HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA MAARSO 2019-KA
GUDOONKA 2DA AQAL EE BFS OO KU KULMAY MUQDISHO
Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa howlaha Baarlamaanka FS, waxaana 2da aqal baarlamaanka ay ka hadleen howlaha horyaalla iyo siddii ay gacan u siin lah aayeen hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo wadamada taageera.
Guddoonada 2ada aqal iyo guddiga dib u eegista iyo la socod ka iyo hirgelinta da stuurka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dheeraaday shuruucda , muhiimada baarlamaanka uu leeyahay iyo dib u eegista dastuurka KMG halka uu marayo ee gabogabada ah.
Madaxda hay’adaha ka shaqeeya baa rlamaanka iyo Safiir ada wadamada Swit zerland iyo Norway ayaa dhankooda she egay in gacan ay ka siin doonaan Baarlamaanka FS sidii wa ajibaadkooda ay u gudan lahaayeen. Gabogabada kulan ay aa waxaa ka ha dlay Guddoomiye kuxiggeenka Laad gola ha aqalka sare BFS Sen. Mowliid Xus een Guhaad, waxa uu na sheegay in kula nkan aqalka sare uu muhiin u yahay, maa da ama uu yahay aqal cusub. Guddoomiyaha golaha Shacab ka BFS Md.Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan ayaa u mahad celi yay hay’ada ha ka shaqeeya baarlamaanka iyo Safiir ada wadamada Switzerland iyo Norway sida ay ula shaqeeyaan baarlamaanka
SOMALIA OO KA QEYBGELI DOONTA SHIRWEYNE LOOGA HADLAYO DADKII MUSLI MIINTA EE LAGU DILAY NEW ZEALAND
Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegay Shalay in dowlaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC loogu baa qay inay isugu yimaadaan Kulan Degdeg ah oo maalinta Jimcaha ka dhici doona dalka Turkiga. Guddiga Fulinta ee Ururka Islaamka ee OIC ayaa la sheegay inay bishan March 22da oo ku beegan ma alinta Jimcaha ee soo socota , kaasi oo lo oga hadli doono Weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii la soo dhafaay lala beegsaday Muslimiin ku tukanaysay 2 Masjid oo ku yaalla M/Christchurch ee dalka New Zeal and. Shirkaasi oo heer Wasiir ah waxaa Somalia uga qeyb geli doona Wafdi uu ho ggaaminayo Wasiirka Arrima ha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Ax med Ciise Cawad
Dhinaca kale, 22 Dowladood oo xu bno ka ah Ururka Islaamka ee OIC ayaa xaqiijiyey inay ka soo qeybgalkooda Shi rkaasi ka dhici doona Turkiga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Somalia, Sudan, Qatar, Indonesia, Pakistan, Afganistan, Iiraan iyo Libiya. Shirkaasi ooh al maalin socon do ona waxaa kaloo ka qeyb geli doonaan Wakiilladda Khaaska ee Dowladaha Islaa mka u jooga Ururka OIC iyo Danjirayaal ka kala socda dalal kala duwan.
Madaxweynaha dalka Turkiga, Ra jab Dayib Erdogan ayaa la filayaa inuu Khudbad ka jeediyo Shirkaasi oo uu kaga hadlayo Weerarkii Argagixiso ee lagu dil ay ugu yaraan 50 qof oo Muslimiin ah, ku wa asi oo Salaaddii JImcaha ku tukanay say Masjidyadda Alnuur iyo Linwood oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.
TALIYE KUXIGEENKII CIIDANKA CIRKA SO MALIA OO LAGU AASAY MUQDISHO
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Shalay Aas qaran loogu sameeyay Taliye kux igen kii Ciidamada Cirka Soomaliyeed General Maxamed Aadan Samater oo geeriyooday. Waxaa lagu Aasay qabuuro ku yaalla Xerada Ciidamada Cirka ee Afis yooni ee Muqdisho,waxaana ka qeyb ga lay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan dowladda oo ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Xo oga Dalka Soomaaliyeed Gen Daahir Aa dan Cilmi (Indha Qarshe) iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Madaxdii ka qeybgashay Aaska qaran ayaa Alle uga baryay in uu General Max amed Aadan Samater ka waraabiyo Jan ada Samir iyo Aiimaana Alle ka siiyo Ehe ladii,qaraabadi iyo Ummada Soomaaliye ed ee uu ka baxay.
Allaha u naxariistee General Maxamed Aadan Samater ayaa ahaa Taliye kuxige enkii Ciidamada Cirka Soomaliyeed Gen eral Maxamed Aadan Samater,kaasi oo ku ggeriyooday Magaalada Muqdisho.
NIN KA TIRSAN KOOXDA NAASIGA CUSUB EE FAAFIYEY MUUQAAL KA DADKII LAGU DILAY NEW ZEALAND OO LA MAXKAMA DAYNAYO
Muwaadin u dhashay dalka New Zea land oo ka mid ah Kooxda Naasiga Cu sub ayaa waxaa Shalay la soo taagay Ma xkamad ku taalla magaalladda Chrisch urch ee dalkaasi oo ah magaalladdii Jimc ihii hore lagu xasuuqay dad Muslimiin ah oo ku cibaadaysanayey 2 Majid oo ku yaalla isla magaalladaasi.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu she egay Philip Arps oo 44jir ah waxa lagu soo oogay 2 Faldembiyeed oo ku aadan isagoo baraha Bulsshadda ku faafiyey Mu uqaalkii Videoga ee uu Gacankudhi iglihii weerarka ka geystay Masjidka Alnuur ee dalkaasi. Eedeysanaha waxa uu labad dembi ee lagu soo oogay muteysan karaa xukun ugu badnaan 14sanno oo Xabsi ah.
Garsooraha Maxkamadda waxa uu racfaan ka diiday Eedeysanahaasi ay ma daxmartay Cunsuriyadda, waxaana la amray in Xabsiga lagu sii hayo ilaa bisha April oo uu mar kale ka soo muuqan do ono Maxkamadda.
Dhinaca kale, Eedeysannaha Philip Arps oo leh Shirkad daabacaad waxa uu horey uga soo muuqday Muuqaal Video oo sannadkii 2016kii madaxyo Doofaar ama Qaansiir oo la soo dhigay isla Mas jidka Alnuur ee Jimcihii hore weerarka lala beegsaday.
SOMALILAND OO XABSIGA DHIGTAY MAS’ UULIYIIN LAGU EEDEEYAY MASUQ MAASUQ
Soomaaliland ayaa Shalay xirxirtay tira mas’uuliyiin ah,kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku kaceen falal la xiriira musuq maa suq. Mas’uuliyiinta la xirxiray ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha maamulka ee was aaradda warfaafinta Soomaaliland Xasan Maxamuud, sida ay shaaciyeen ilo xogog aal ah oo ku sugan Magalada Hargeysa ee deegaanada Soomaaliland.
Sidoo kale dadka la xiray ayaa waxa ku jira Agaasimihii hore ee wasaaradda war faafinka Cismaan Xuseen, kaas oo dhaw aan sheegay in uu xilkaasi iska casi lay,isla markaana Madaxweynaha Sooma aliland Muuse Biixi Cabdi uu ka aqbalay iscasilaada.
Arintan ayaa ka danbeysay baaritaan musuqmaasuq oo maalmahanba ay xafi iska hanti dhawrku ka waday dhowr hay’ adood ay warfaafintu ka mid tahay, haye eshee tallaabadaan ayaanan weli aysan ka hadlin madaxda sare ee Soomaali land.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO DHAGAX DHIGAY XARUNTA KEYDKA XOGTA DEEGAANKA
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shalay waxa uu dhagax dhigay xarunta kaydka xogta Deegaanka iyo Biyaha.
Dhagax dhigga xaruntani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasii rka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gam a’diid, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Ma cadanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuu suf (Taaraan) masuuliyiin ka tirsan Goley aasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socotey Hay’adda FAO, maamulka Degm ada, kan Gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Xarunta xogta Khayraadka Deegaanka iyo Biyaha (Integrated Land and Water Resource Management) oo ah xarun lagu kaydin doono khayradka dalka sida Deeg aanka iyo Biyaha, dhismahan ayaa noqo naya xaruntii ugu horeysey ee laga hirg eliyo Soomaaliya ilaa waxkhtigii uu dalku burburay, waxaana mashruucaan maalgal iyey EU, isla’markaana waxaa fulinaysa Hay’adda FAO oo kaashanaysa Dowla dda Puntland.
Madaxweyne Deni oo muujinaya ah miyadda balaadhan ee masruucan leey ahay ayaa tilmaamay in mushruucan loo ga faa’iidaysto khayraadkeena dalka ee u baahan in la kaydiyo, isagoona tusaale u soo qaatay maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd ( War la helyaabaTalo la hel).
"Waxaa sharaf weyn ii ah inaan kasoo qayb galo xaruntan dhagax dhiggeeda oo runtii qiimo gaar ah bulshada Soomaaliye ed gaar ahaan reer Puntland faa’iido gaar ah u leh, mudadii aan burburka ku jirney xarun noocaan oo kale ah waa xaruntii ugu horeysey ee Soomnaaliya laga fuliyo qiimo gaar ah oo aad u weyn ayeey inoo leedahay, waxaan aad uga mahadcelinayaa intii kasoo shaqaysay nooc kastoy tahay, waxaan uga mahad celinayaa hay’addaha deeq bixiyaasha ah oo mar walba la garab taagan sidii dalka iyo dadka ay u hormarin lahaayeen” Ayuu yir Madaxweynaha Puntland.
FAAH FAAHIN MACALIN DUGSI QUR’AAN OO LAGU DILAY MUQDISHO
Warar dheeraad ah ayaa ka soo bax aya Rag sida la sheegay ku hubeysnaa Bastoolado oo gudaha degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Macalin Dugsi Qur’aan. Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in dil kan uu ka dhacay Xaafadda Buundooyin ka ee degmadaas,isla markaana rag hub eysan ay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirkiisa uga dhufteen Macalinka xili uu ku sugnaa Naxaawiga Dugsiga uu ma calinka ahaa oo halkaasi ku yaallay.
Kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ayaa durbo goobta uga baxsday Gaari nooca raaxada ah oo wateen,kadib markii ay fuliyeen falka. Dadka deegaanka Xaafad da Buundooyinka ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay,iyagoo halkaas ka qaad ay Meydka Macalinka.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta keen tay in Macalinka dhigayay Dugsi qur’a anka la dilo,hayeeshee dilkan ayaa wax aa uu kamid noqonayaan dilal kala duw an oo horey uga dhacay Magaalada Muqdisho.
DFS OO SHAACISAY INAY QABATAY MADA XII MAXKAMADA ALSHABAAB EE BARIIRE
Sida lagu daabacay Warbaahinta Do wladda Howlgal aad loo qorsheeyay ayaa Ciidamada amniga Soomaaliya ay ful iyeen 19kii Bishan ayay ku soo qabteen madaxii Maxkamadda AlShabaab ee Bariire.
Hawlgalkaan ayaa ka dhacay M/Muqd isho,waxaana sidoo kale la sheegay in Sarkaalka la qabtay uu Bariire ka fulin jiray Xukumada dilalka ah oo ay fuliyaan Ururka AlShabaab. Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo laamaha kale ee Hay’ adaha amniga weli masoo bandhigin Saw irka mana shaacin Magaca Shaqsiga how lgalka lagu soo qabtay.
AlShabaab dhankooda weli kama ha dlin warkaan kasoo baxay Dowladda So omaaliya ee ah qabashada Madaxii Maxk amadda AlShabaab ee Bariire Gobolka Shabeellaha Hoose.
TAHRIIBAYAAL SOOMAALI AH OO MUQ DISHO LA KEENAY
Dawlada Soomaaliya ayaa Shalay dal ka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibe yaal ah, kuwaasi oo muddo ku xanibnaa dalka Liibiya. Dhalinyaradaan oo gaaraya 20qof ayaa ka kooban 19Rag ah iyo Hal Gabar, waxayna muddo ku xanibnaayeen dalka Liibiya, halkaasi oo ay ku heysteen kooxaha dadka qafaasha ee Magafeyaa sha ah.
Masuuliyiinta Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaa sha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soom aaliya, kuwa hay’adda Qaxootiga Qar anka iyo guddiga dib usoo celinta tahri ibayaasha ee Dawladda Soomaaliya ay aa si weyn garoonka diyaaradaha ee Mu qdisho ugu soo dhaweeyey dhalinyarada an, iyadoo la geeyey xarunta hay’adda Qaxootiga Qaranka, si halkaasi howlaho oda loogu dhammeeyo.Ergeyga gaarka ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibaya asha ee xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soom aaliya Ambassador Maryan Yaasiin ayaa muddooyinkan dadaal weyn ugu jirtay si ddii ay dib dalkooda ugu soo noqon lahaa yeen tahriibayaasha Soomaaliyeed ee joo ga dibadaha, iyadoo inta ay joogtay xaf iiskan soo celisay dad badan oo isugu jiray maxaabiis iyo tahriibayaal Soomaali yeed.
TALIYAHA CIIDAMADA XOOGA OO AMAR DULDHIGAY ASKARTA
Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya, Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe] ayaa faray askarta in aysan kasoo tagi fariisim ahooda, isaga oo amray saraakiisha in ay dhaqangeliyaan amarkaasi.
Sareeye Guuto, Daahir Aadan Cilmi, ay aa sheegay in askarigii kasoo taga goob ta lagu diiwaangeliyay oo ay ugu talaga shay dowladda uusan kamid noqon doo nin ciidamada, isla markaana uusana heli doonin wax mushaar ah.
Hadalka taliyaha ayaa kusoo aadaya iy ada oo todobaadyadii u dambeeyay ay jir een ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka oo soofaarujiyay saldhigyadooda, iyada oo ka cabanaya mushahar la’aan.Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, oo ka jawaabay arrintaasi ayaa shaaciyay in uusan jirin askari aan la siinin xuquuqdi isa, isla markaana inta harsan ay yihiin ku wa aan la diiwaangelin ayna heli doonan xuquuqdooda.
XAALADAHA NOLOLEED EE KA JIRA SOOM AALIYA OO LAGA DIGAY
Ha’yadda gargaarka ee OXFMAM ay aa warbixin cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in malaayiin ruux oo ku nool deegaano hoostaga gobollada woqooyi ee Soomaaliya ay wajahayaan abaaro iyo cunto la’aan baahsan.
OXFMAM ayaa warbixinteeda ku xus tay in Roobabkii la filayay in aysan di’in, taasina ay sababtay in qoysas badan ay la kulmaan xaalado bani’adanimo ah. Amj ad Cali oo ah madaxa hay’adda OXFAM ee Soomaaliya ayaa sheegay in abaara hani ay inta badan saameeyeen dumarka iyo caruurta oo wajahaya nafaqo darro xoogan.
Sidoo kale Amjad Cali ayaa xusay in dadka ay saameeyeen abaaruhu ay dha mmaan xoolahooda ku waayeen abaaro horay ugu dhuftay dalka sanadkii 2017kii,islamarkaana ay ku adagtahay in ay dib u sameystaan noloshoodii hore.
Ugu dambeyn hay’addani ayaa sha aca ka qaaday in gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag ay ku nool yihiin dadka ay saameeyeen abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya.
IMAARAADKA OO DALKEEDA KA MASAAFU RISAY NIN U DABAALDEGAY MUSLIMIINTII LAGU DILAY NEW ZEALAND
=Nin u shaqeynaye Shirkadda Transguard ee dalka Imaaraadka ayaa shaqadii laga ruqseeyey, kadibna laga masaafuriyey dalkaasi sababo la xiriira isagoo u dabaaldegay dadkii Muslimiinta ee Jimcihii la soo dhaafay lagu xasuuqay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.
Ninkaasi oo aan magaciisa iyo dalka loo masaafuriyey aan la shaacinin ayaa la sheegay inuu bartiisa Facebookga ku qoray hadalo uu taageero ugu muujiyey Gacankudhiiglihii dilka geystay, una dabaaldegay Muslimiinta lagu laayey Toogashadaasi.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay bixisay Amarka lagu masaafuriyey Ninkaasi.
MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO SI KULUL UGA HADLAY DAGAALKA CADALE
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka ha dlay dagaal beeleedka dhawaan ka dhac ay Tuulada Buurdheere oo hoostagta deg mada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweyne Waare oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa sheegay in Mada xda Maamulka HirShabeelle ay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaraya labada beelood ee walaalaha ah,waxana uu ka dalbaday inay si deg deg ah u joojiyaan.
Dadkii ku dhintay ayaa uga tacsiyadeeyey eheladooda,waxana uu sheegay in ay muhiim tahay in dadka wada dagaalam aya ay wada hadlaan,isaga oo nasiibdar ro ku tilmaamay dagaaladaas oo ah kuwo soo laab laabtay.
Tuulada Buurdheere oo hoostagta deg mada Cadale ee G/Shabeellaha Dhexe ayaa maalma ka hor waxaa dagaal culus uu ku dhexmaray laba maleeshiyo beele ed,waxana baaqyo kala duwan kasoo saaray DFS iyo Maamulka HirShabeelle.
Dhageyso Codka Madaxweynaha Maa mulka HirShabeelle.
(WARBIXIN) AMNESTY INTERNATIONAL OO KU EEDEYSAY MILLITER IGA MAREYKANKA DEMBIYO DAGAAL OO AY KA GEYSTEEN SOMALIA
Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International oo sald higooda dhexe ku yaallo magaalladda London ayaa soo saartay Warbixin dheer oo ay kaga hadashay Khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara Hawlgalladda ay Milliteriga Maraykanka ka fuliyaan gudaha dalka Somalia.
Warbixinta oo loogu magac daray Dagaalka Qarsoon ee gudaha Somalia "The Hidden War in Somalia” ayaa lagu sheegay inay Amnesty International baaritaan ku samaysay 5 ka mid ahaa 100ka duqeymaha Diyaaradeed ee ay Diyaaradaha Reaper drones iyo kuwo kale ka geysteen Gobalka Sh/hoose, oo ah Gobalka sida ballaaran u hoos taga Alshabaab, waa sida ay Hay’addu qortay.
Taliska Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM waxaa weli beegsiga koowaad u ah Gobalkaasi tan iyo sannadkii 2007dii.
Warbixinta cusub ee ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International Dorraad soo saratay waxay ku xustay inay caddaymo ka soo ururiyeen 150 qof oo la wareystay ama codadkooda laga qabtay iyagoo ku sugan goobaha ka baxsan Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Waxay kaloo sheegtay in dadka la wareystay ay ku jiraan Goobjoogayaal , Qaraabadda Marxuuminta ku geeriyootay duqeymahaasi, Khubaro ka tirsan Milliteriga Maraykanka iyo sawiro lagu qaaday Dayaxgacmeedka.
Amnesty International waxay kaloo sheegtay inay Duqeymahaasi u muu qdaan kuwo xadgudub ku ah Xuquuqda Aadanaha, waxayna ugu baaq day Dowladda Maraykanka inay si dhexdhexaad ah u qadaaan baarita anka asaaska looga dhigay Xaqiiqda ama Natiijadda Warbixinta.
Warbixinta waxaa lagu muujiyey in ugu yaraan 14qof lagu dilay natiijadda duqeymaha Diyaaradaha Maraykanka ku beegsadaan Alshabaab, iyadoo Duqeymaha saddex jibaareen Maamulka Trump, lana filayo in la sii kordhiyo.
Amnesty International waxay kaloo Warbixinteeda ku xustay inay Wareysi la yeesheen 65 Goobjoogayaal, isla markaana ay heleen Sawiro caadi ah iyo kuwo ay Dayaxgacmeedka qaadeen iyo qoraalo la soo dhigay Braaha Bulsagadda oo caddayn u ah khasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray duqeymaha ay Maraykaanka ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobalka Sh/hoose.
Cilmibaaraha Amnesty International u jooga Somalia, Abdullahi Hassan oo la hadlay Idaacadda Caalamiga ee Deutsche Welle (DW) ee dalka Jarmalka waxa uu tilmaamay inuu 1001% hubo in 14 qof la dilay, halka ugu yaraan 8 kalena lagu dhawaacay 5 duqeyn oo ay diiwaan geliyeen. Cilmibaaraha waxa uu tilmaamay in dhibaatooyin adag laga kulmi karo haddii la doonayo in baaritaano buuxa lagu sameeyo dhamaan Duqeymaha Diyaaradaha Marayk anka ka geysteen gudaha Somalia, isagoo farta ku fiiqay inay inta badan duq eymahaasi ka dhaceen Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan.
Waxa uu intaasi ku daray in Amnesty International ku adag tahay inay tagaan goobahaasi, si ay u soo diiwaan geliyaan soo diiwaan geliyaan Tcaadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay Deegaanaddaasi.
Sidoo kale, Cilmibaaraha Hay’adda Amnesty International u jooga Somalia, Abdullahi Hassan waxa uu Wareysiga uu siiyey Idaacadda Caalamiga DW ee dalka Jarmalka waxa uu ka digay haddii ay duqeymaha Maraykanka sii socdaan xilligan inay suurtogal tahay inay korodho khasaaraha soo gaara dadka rayidka ee ku nool Deegaanadda la duqeeynayo.
"Bishii Janaayo iyo Feberaayo oo keliya, waxay fuliyeen 24 duqeyn, haddii ay sii wadaan duqeymahaasi, waxaa laga yaabaa inay qaadaan in ka badan 140 duqeyn sannadkan 2019ka oo keliya” ayuu yiri Cilmibaaraha Amnesty Intern ational u jooga Somalia, Abdullahi Hassan.
Dhinaca kale, Lataliyaha Sare Amnesty International kala taliya Qalala asaha, Hubka iyo Hawlgalladda Milliteri, Brain Castner oo isagana la hadlay Idaacadda DW ee Jarmalka waxa uu ku eedeeyey inay sir ka dhigaan wala aca doorka Ciiddankooda ku sugan Somalia iyo in dagaalka sokeeye laga dhi gto muuqaal Qiiq la isaga qarinayo Xasaanadda xadgudub la’aanta.
Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay xaqiijiyeen inay qaadeen ugu yaraan 4 ka mid ah Duqeymaha ay Amnesty International sheegtay in lagu dilay 14 qof oo rayid ahaa.
Hadalqoraal oo ka soo baxay AFRICOM waxay ku sheegeen inay ka war hayaan wararka sheegaya khasaaro dad rayid ka soo gaaray duqeymahaasi, isla markaana ay dib u eegi doonaan warbixinta ku aadan dhacdadaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta cusub ee Amnesty International ee loogu magac daray Dagaalka Qarsoon ee gudaha Somalia "The Hidden War in Somalia” ayaa lagu sheegay inay DFS iyo dowladda Maraykanak ku guuldaraysteen inay baaritaano ku sameeyaan eedeymaha sheegaya in 14 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymaha Maraykanka ka fuliyeen qeybo ka tirsan Gobalka Sh/hoose muddadii u dhexeysay bishii October ee sannadkii 20117kii ilaa bishii December ee sannadkii 2018kii.
Xigasho: Deutsche Welle (DW).
MAREYKANKA OO FAAH FAAHIYEY DUQEYN UU KA FULIYEY SHABEELLAHA HOOSE
Far qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaa shanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 18 Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas uu ku dilay Saddex Xubnood oo ka tirsan AlShabaab,hayeeshee ay soo gaartay in dad rayid ah ay wax ka soo gaareen, balse ay dib u eegis ku sameyn doonaan.
Sidoo kale Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii wa do doono howlgallada ka dhanka ah AlShabaab ilaa mas’uuliyada Amniga dal ka lagu wareejiyo Ciidamada Dowla dda Federaalka Soomaaliya.
Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cir ka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana todobaadyadii la soo dhaafay dueyntii ugu badneyd ee Sanadkaan uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.taan ayaa waxaa lagu daabacay Shabakachels, BOGGA CAYAARAHA
LIISKA 50KA TABABARE EE UGU FIICAN KUBBADA CAGTA ADDUUNKA OO LA SOO SAARAY
Qiimeyntaan ayaa waxaa lagu daabacay Shabakad ka faaloota Arrimaha ciyaaraha oo lagu Magacaabo France Football, waxaana lagu soo bandhigay liiska ilaa 50 Tababare oo ah kuwi ugu fiican Adduunka.
50ka Tababare ayaa waxaa ku jira Macalimiin Caan ka ah Dunida oo ay ka mid yihiin Rinus Michels, Arsene Wenger, Sir Alex Ferguson, Jose Mourinho iyo Macalimiin kale.
Arrinta layaabka leh ayaa ah in tababarayaasha ugu waaweyn Caalamka ay kaalmaha hoose kaga jiraan qiimeyntaas, sida in macallinka haatan ee Liverpool Jurgen Klopp uu ka sarreeyo tababare Arsene Wenger.
HOOS KA AKHRISO LIISKA IYO MAGACYADA TABABARAYAASHA UGU WANAAGSAN EE LA SOO BANDHIGAY.
MAXKAMADDA CIIDAMADA OO XUKUN DIL AH KU RIDDAY RAG LOO HEYSTO QARAXYO IYO DILAL KA DHACAY MUQDISHO
Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Saaka Xukun Dil ku riday Canshuur Cismaan Abuukar
Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuw aas oo ka tirsanaa Argagaxisada Al shabaab sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka Sida Xasan Cali Shuute. Eedaysanaha 1aad Canshuur Cis maan Abuukar Cumar (Asad), waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Alshabaab, kana soo shaqeyay xiliyo kala du wan Qeyba ay ka mid yihiin Jabhada, weerarada baabuurta lagu fuliyo iyo Qaraxyada ismiidaaminta oo uu sahmiye u ahaa, isagoo si gaar ah ugu eedaysan inuu fuliyay falalka soo socdo:
Taariikhdu markay ahayd 15/08/2017,waxay weerar ku qaadeen isaga iyo labo ruux oo kale gaari Hartob Landgaruuzal ah oo ay saarn aayeen hal Qoys oo ah reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ah Maa mulka Shirkada Dahabshiil, kuwaas oo ay ku fureen rasaas Tacshiirad ah uuna ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad ku na Dhaawacmeen 5ruux oo ka mid ah qoyska maamulaha.
Taariikhdu markay ahayd 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degm ada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah.
1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi oo ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka qaranka, gaarigaasoo ay rasaas tacshiirad ah ku fureen ayna ku geeriyoodeen 2da marxuum ee sare ku xusan.
Taariikhdu markay ahayd 09/11/2018, wuxuu qayb ka ahaa eeday sanuhu qaraxyadii ka dhacay Hotel Sahafi, isagoo sahmiye iyo hage u ahaa 3dii baabuur ee qaraxyada ismiidaaminta ahaa iyo weerarkii hub aysnaa oo ay ku naf waayeen dad gaaraya 32ruuxkuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale,
Sidoo kale Taariikhdu markay ahayd 22/12/2018 wuxuu ahaa abaa bulihii qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 27ruuxAyna ku dhaawacmeen 55ruux oo kale,
Iyadoo Ciidamada amnigu ku soo qabteen kadib markii uu uga degtay gaarigii 2aad ee Saarufka ahaa Taalada Daljirka Dahsoon, gaarigaa soo isagana qarxay ayna ku geeriyoodeen Marxuumiin ay ka mid ahaa yeen 1)Marxuum Faysal Salaad Samow 2)Marxuum Axmed Maxamed Yuusuf oo labaduba macalimiin ka ahaa Iskoolka Yaasiin Cismaan.
Eedaysanaha 2aad Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), waxaa lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Alshabaab gaar ahaan Qeybta qaraxyada,isla markaana uu qayb ka ahaa Sahmintii Qaraxii lagu weeraray Degmada H/wadaag 02/09/2018 oo sababay Dhima shada 8ruux iyo Dhaawaca 27 ruux oo kale, sidoo kale wuxuu qeyb ka ahaa eedaysanuhu isaga iyo Eedaysanaha 1aad qaraxii ka dhacay Tiyaarka qaranka 22/12/2018 oo ay wadeen gaarigii 2aad ee ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon .
DOOD DHEER KA DIB. MAXKAMADDU:
Markay Aragtay: Qodabada 221,222,434,71 XCS .
Markay Aragtay: – Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cism aan Abuukar Cumar (Asad), oo uu ka horcadeeyay garsoorka in uu ka tirsanaa kooxda Alshabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duw an oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada hodan lagula beegsaday gaari hartoop langaruusal ah oo ay saarna ayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruuxkuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa.
sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari saruf ah oo marayayisgoyska via Roma ee degmmada xamar wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday 09/11/2018, Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.
Markay Aragtay: Maxkamadda Qiraalka Eedaysane Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), oo uu ka hor bixiyay garsoorka Ciidamada Qalabka sida hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda alshabaab gaar ahaan qaybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii lagu weeraray Degmada howlwadaag 02/09/2018 ,sidoo kale eedaysanuhu wuxuu cadeeyay inuu qayb ka ahaa weerarkii 22/12/2018 lagu qaaday tiyaaterka qaranka, ciidamada amniguna ay qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay agagaarka daljirka dahsoon.
Markay Dhagaysatay: markhaatiyaasha la horkeenay maxkama dda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada eedaysane ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen inti ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka deg een, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul.
Markay Aragtay: Dembi muujinta ah 1 dukumiintiyo ay ka mid yihi in cadaymihii iyo qiraaladii laga qoray eedaysanayaasha. 2 liiska dad kii ku geeriyooda kuna dhaawacmay qaraxyadii iyo weeraradii lagu eedeeyay eedaysanayaasha. 3 sawirada muujinaaya burburkii ka dhacay qaraxyada iyo weerarada lagu soo eedeeyay.
Markay Dhagaysatay: Doodii Qareenada oo ahayd in eedaysanaya asha loo naxariisto loona eego sifaalaha dembiga fududeeya.
Sidaas Darteed Maxkamadda waxaa u Caddaaty in:
Dambiile Shabaab Canshuur Cismaan Abuukar Cumar iyoDambiile ShabaabMax’ed Cali Boorow Aadanay wada yihiin dambiilayaal galay dembiga lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho.
Cidii aan ku qanacsanayn xukunka maxkamada waxaa u furan rafcaan.
WAFDIGII DOWLADDA IYO SARAAKIISHA CIIDAMADA GADOODSAN OO KULAN XASAASI AH YEESHAY
Guddigii ka koobnaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soo maaliya oo uu wehliyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa wa xaa ay xalay kulamo xasaasi ah degmada Balcad kula qaateen saraak iisha hoggaamineysa Ciidamadii ka soo baxay furumaha dagaalka ee G/ Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle iyo Abaanduulaha Ciidamada Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha ciidamada gad oodsanaa ayaa markii ho re kulankooda waxa uu ka dhacay xeradii hore ee Cii danka Hiilweyne ayaa markii dambe loo wareeji yey dhinaca Warshadii hore ee dharka Balcad, waxaana Guddiga ay sara akiisha kala hadleen sidii Ciidamadaas dib ugu laaban lahaayeen Xar umihii ay soo baneeyeen.
Guddiga ayaa aad u adkaatay inay ku qanciyaan Ciidamada dib ugu laabashada goobihii ay soo baneeyeen, iyada oo aan laga qan cin waxyaabihi keenay, hayeeshee markii dambe lagu qanciyey inay dib ugu laabtaan. Mararka aan saakay ka heleyno Balcad ayaa waxaa ay shee gayaan in kulankii labada dhinac ay iskuafgarteen in Ciidama da dib loogu celiyo Saldhigyadii ay kasoo baxeen,isla markaana xaquuqdii ay lahaayeen ayu bixin doonto Dowladda Soomaaliya.
waxaa sidoo kale saakay Balcad ka socda diyaar garoow ku aadan Ciidamada oo doonaya inay dib ugu laabtaan deegaanadii ay askoo baxeen sida, Garoonka diyaaradaha Jowhar, deegaanka Qalimow, degmada Mahadaay iyo deegaano kale.
SOMALIA
OGAYSIISKA GUUD
DIGNIINTA GANACSIGA
_______________________
SHUANGXI STATE EXPRESS
OGAYSIIS
WAA BIXINAYAA in calaamadaha ganacsiga ee kor ku xusan yihiin calaamadaha
ganacsiga ee:
CTBAT International Co. Limited,a company incorporated under the laws of Hong Kong of 29th Floor, Oxford House, Taikoo Place, 979 King's Road, Island East, Hong Kong
waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:
Sigaarka; tubaako, qashin ama la soo saaray; ku duub tubaakadaada; sigaarka tubaakada; alaabta tubaakada; beddelka tubaakada (maaha ujeedo caafimaad); sigaarka; cigarillos; nalalka sigaarka; nalalka sigaarka; cayaaraha; qoraallada sigaarka; warqadda sigaarka; tuubooyinka sigaarka; santuuqa sigaarka; qalabka jeebka ee sigaar-cabista; mishiinka gacanta lagu hayo ee tubaakada isku mudda tuubada waraaqda; siga elektarooniga ah; dareeraha sigaarka elektarooniga ah; alaabta tubaakada loogu talagalay ujeedada kuleylka.
OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama
shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale
ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas
OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSI
OGAYSIIS WAXAAD KA QAADAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan ay tahay hantida GUANGDONG YANGCHENG HEALTH INDUSTRY GROUP CO., LTD of 6/F, No. 10 Zhi Xin Road (south), Guangzhou, China iyo in calaamadda ganacsi ee loo isticmaalo waxyaabaha soo socda:
Fasalka 05: Diyaarinta fitamiinka; daawooyinka ujeedooyinka aadanaha; diyaarinta daawooyinka; daawooyinka chemico-daawooyinka; xanuunka; daawooyinka ujeedooyin caafimaad; tarjubaanada ujeedooyinka daawooyinka; daawooyinka kiimikada ujeedooyinka daawooyinka; Diidmada; Kiniiniyada; tinctures; aqua; cadar; Sanka dawada Shiinaha; Kaabsaydh; aalkolada daawada; dharka caafimaadka; diyaarinta caafimaadka xoolaha; diyaarinta kiimikada ujeeddooyinka caafimaadka xoolaha; colliumum
OGEYSIIS WAXAA KA BIXIYAY GUANGDONG YANGCHENG HEALTH INDUSTRY GROUP CO., LTD waxay sheeganeysaa dhammaan xuquuqda marka la eego calaamadda ganacsiga ee ka jirta Soomaaliya, waxayna bilaabi doontaa tallaabo sharci ah oo lid ku ah qof kasta ama dadka loo arkay in ay isticmaalayaan calaamadda ganacsiga ama calaamad kale oo ganacsi si qarsoodi ah ama isku midka ah isku midka ah, ama haddii kale xadgudub ku ah xuquuqdiisa
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA MAARSO 2019-KA
MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAFDI U DIRAY DEEGAANADA AY KA SOO BAXEEN CIIDAMADA DOWLADDA Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo uu wafdi heer Wasiira ah u diray deegaano ka tirsan gobalka Sh/dhxe kuwaa