Kenya oo soo iibasatay 30 gaadiidka aanan rasaasta karin si ciidamada ay ugu adeegsadaan Dagaalka Shabaab

0
Monday February 01, 2016 - 11:09:06 in Wararka by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo soo iibasatay 30 gaadiidka aanan rasaasta karin si ciidamada ay ugu adeegsadaan Dagaalka Shabaab

    Dowladda Kenya, ayaa waxa ay soo iibsatay 30 gaadiidka dagaalka ah, kuwaasi oo aysan rasaasta karin, si ciidamada ay ugu dagaalamaan Shabaabka laf dhuun gashay u noqday ciidamada Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya, ayaa waxa ay soo iibsatay 30 gaadiidka dagaalka ah, kuwaasi oo aysan rasaasta karin, si ciidamada ay ugu dagaalamaan Shabaabka laf dhuun gashay u noqday ciidamada Kenya. Gaadiidkaan dagaalka ah ayaa waxaa loo qaybin doonaa ciidamada Booliska Kenya, gaar ahaan deeganada ugu badan ee Shabaabka weerarada joogtada ah ay ka geystaan.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhur Kenyatta ayaa u ballan qaaday ciidanka Booliska Kenya in markii ugu horreysay la siin doono gaadiid dagaal si ay u sugaan amnigooda iyo kan shacabka Kenyaanka ah.

30 gaadiid ayaa Todobaadkii hore waxaa laga soo dejiyay Dekada Magaalada Mombasa, waxaana la soo gaarsiiyay magaalada Nairobi, goob amnigeeda si weyn loo adkeeyay.

Kenyatta ayaa sheegay in Kenya aysan waligeed ku tiirsanaan karin kaliya Milatariga iyo Hay’adaha kale ee AMNIGA balse loo baahan yahay in la hubeeyo Booliska.

Taliyaha Ciidamada Booliska dalka Kenya iyo Saraakiisha dhanka ammaanka, ayaa maanta ku kulmaya Magaalada Nairobi si ay uga wada xaajoodaan arimaha ku aadan la dagaalanka Shababka.

Afhayeenka Booliska Kenya, Charles Owino, ayaa ka gaabsaday in uu xaqiijiyo kulanka madaxda ugu sarreysa Ciidanka Kenya ay maanta ku yeelanayaan Xarunta Ciidanka Booliska Kenya ee Buaraka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip