Maxaa Ka Jira In Cali Guudlaawe Uu Ka Baxay Magaalada Jowhar Ka Dib, Ka Bixitaankii Ciidamada DF?

0
Wednesday March 20, 2019 - 23:34:19 in Wararka by
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Cali Guudlaawe Uu Ka Baxay Magaalada Jowhar Ka Dib, Ka Bixitaankii Ciidamada DF?

    Markii Ciidamada Dowladda ay ka baxeen degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe oo Jowhar ay ka mid tahay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu ka baxay magaalada Jowhar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii Ciidamada Dowladda ay ka baxeen degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe oo Jowhar ay ka mid tahay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu ka baxay magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa beeniyay inuu ka baxay magaalada Jowhar,islamarkaana uu ku sugan yahay.

"Magaalada Jowhar ayaa ku suganahay, howlihii caadiga ee maamulka waa socdaan, Golaha Wasiirada, maamulka heer Gobol, heer degmo howlahooda ayay wataan, ciidamada amnigana magaalada waa ku sugan yihiin”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Milateriga oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 1aad ay ku sugan yihiin magaalada, sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa jooga magaalada.

Qeyb ka mid ah Ciidanka xoogga dalka ee ka tirsan Taliska 27aad ayaa isaga baxay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida Mahadaay, Buurane , Garsaale iyo Qalimow, kuwaasoo aaday dhanka degmada Balcad.

Ciidamada ka baxay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyo raashin la’aan, waxaana xooggooda ay ku sugnaayeen degmada Mahadaay iyo deegaanada dhaca duleedka garoonka diyaaradaha Jowhar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip