Madaxweyne Farmaajo Oo Wafdi U Diray Deegaanada Ay Ka Soo Baxeen Ciidamada Dowladda

0
Wednesday March 20, 2019 - 20:54:27 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Wafdi U Diray Deegaanada Ay Ka Soo Baxeen Ciidamada Dowladda

    Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo uu wafdi heer Wasiira ah u diray deegaano ka tirsan gobalka Sh/dhxe kuwaas oo saakay aroornimadii hore ay ka baxeen ciidamada dowladda Somalia. Masuuliyiintaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo uu wafdi heer Wasiira ah u diray deegaano ka tirsan gobalka Sh/dhxe kuwaas oo saakay aroornimadii hore ay ka baxeen ciidamada dowladda Somalia. Masuuliyiintaan oo goordhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho waxaa hogaaminayo wasiirka amniha Maxamed Abuukar Islow Ducaale,wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Gelle iyo Abaanduulaha ciidanka xogga dalka Odawaa Yuusuf Raage.

 
U jeedada halkaas loogu diray wefdigaan wasiirada ah waxa ay tahay in ay la kulmaan saraakiisha iyo ciidamada soo baneeyay furumaha dagaalka ee degmooyinka Mahadaay Balcad si ay waxa uga ogaadaan arrinta ku aadan cabashada dhinaca mushaaraadka ah ee ay qabaan.

Saakay ayay aheyd markii ciidamo fara badan oo ka tirsan milatariga Somalia ay iskaga soobaxeen fariisimo ay ku lahaayeen deegaano hoostaga Balcad oo ay ka mid tahay Haanshiiq,Qalimow iyo sidoo kale degmada Mahadaay waxaana qaarkood ay u soo ambabaxeen magaalada Muqdisho halka inta kalana ay ku suganyihiin degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip