Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose

0
Wednesday March 20, 2019 - 19:28:12 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose

    War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose. Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose. Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 18- Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas uu ku dilay Saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee ay soo gaartay in dad rayid ah ay wax kasoo gaareen, balse ay dib u eegis ku sameyn doonaan.

Sidoo kale Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii wado doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa mas’uuliyada Amniga dalka lagu wareejiyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana todobaadyadii la soo dhaafay dueyntii ugu badneyd ee Sanadkaan uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip