Dowladda Sweden Oo Magangelyo Qaxootinimo Siinaysa Muslimiinta Ku Dhibaataysan

0
Wednesday March 20, 2019 - 09:43:38 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sweden Oo Magangelyo Qaxootinimo Siinaysa Muslimiinta Ku Dhibaataysan

    Sida lagu soo daabacay WebPage-ka Hay'adda Socdaalka ee dalka Sweden waxay Dowladda ballan qaaday inay Qaxootinimo siinayso Muslimiinta ka imaanaya Gobalka Shinjiyaan ee dalka Shiinaha iyo xubnaha kale ee Muslimiinta laga tirada badan yahay. Qo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagu soo daabacay WebPage-ka Hay'adda Socdaalka ee dalka Sweden waxay Dowladda ballan qaaday inay Qaxootinimo siinayso Muslimiinta ka imaanaya Gobalka Shinjiyaan ee dalka Shiinaha iyo xubnaha kale ee Muslimiinta laga tirada badan yahay. Qoraalka lagu shaaciyey arrintaasi waxaa lagu sheegay inay dib u eegi doonaan Magangelyo-doonayaasha ka imaanaya Gobalkaasi una aqoonsan doonaan Qaxooti. Codsiyadda Muslimiinta ku dhibaataysan Shiinaha waxaa la sheegay in si toos ah loo aqbali doono, isla markaana aan marnaba la masaafurin doonin.

Tallaabadaasi ayaa u muuqata inay Tusaale fiican u tahay dalalka kale ee Reer Galbeedka, si ay u qaabilaan dadka Muslimiinta ee lagu dhibaateeyo gudaha dalka Shiinaha.

Dhinaca kale, Warbixin ka soo baxday Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in ka badan hal million oo Muslimiint ah lagu hayo Xerooyin ku yaalla Shiinaha, lana mamnuucay in Diinta Islaamka lagu barto Gobalka Shiinjiyang.

Warbixin kale oo ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch soo saartay ayaa lagu sheegay inay Dowladda Shiinaha qaaday Olole ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, isla markaana ay si xun ula dhaqanto Muslimiinta, oo loo geysto Xarig-wadareed, jir-dil iyo tacadiyo kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip