Shir looga hadlaayo ka hor-tagga rabshadaha iyo tacadiyada oo Muqdisho ka furmay

0
Wednesday March 20, 2019 - 00:23:46 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir looga hadlaayo ka hor-tagga rabshadaha iyo tacadiyada oo Muqdisho ka furmay

    Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta furay Shirka wada-tashigga ah ee ku saabsan Fidinta adeegga cadaaladeed iyo doorka Nidaamka xeerka dhaqanka ee ka hor-tagga rabshadaha ka soo horjeeda xaquuqul insaanka iyo taca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta furay Shirka wada-tashigga ah ee ku saabsan Fidinta adeegga cadaaladeed iyo doorka Nidaamka xeerka dhaqanka ee ka hor-tagga rabshadaha ka soo horjeeda xaquuqul insaanka iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka, waxaana shirka garwadeen ka ah wasaaradda cadaaladda. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday dowlad goboleedyada Qareenada Jaamacadaha, Culimada, ururada haweenka iyo dhinacyo kale.

Ugu horeyn ayaa waxaa sharaxaad ka bixiyay Muhiimadda Shirku xambaarsan yahay iyo ajandeyaasha labada maalin laga doodi doono, Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda XF Soomaaliya Dr Ismaaciil Jimcaale.

Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay Shirkaan ayaa dood kulul ka dhiibtay habka ugu wanaagsan ee loo wajahayo ka hor-tagga tacadiyada Kufsigu ka mid yahay ee haweenka lagula kaco.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali daahir oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in xafiiskiisu si adag uga shaqeynayo siddii looga hortagi lahaa tacadiyada haweenka, isla markaana meel wanaagsan uu hadda marayo.

Wasiirka Wasaaradda cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo si rasmi ah u furay Shirka wada tashiga ah ayaa sheegay in siyaasadda wasaaradda iyo guud ahaan dowladda ay tahay in meel looga soo wada jeesto tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo guud ahaan mawaadiniinta Soomaaliyeed.

"Siyaasada wasaaradda waxaa ay tahay in meel looga soo wada jeesto arrinkaan tacadiyada haweenka waxaa la idinka rabaa inaad si aad ah uga doodaan arinkaas isla markaana ka soo saartaan go’aano rasmi ah oo lagu daro sharciga”ayuu yiri wasiirka Cadaaladda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip