SAWIRI:- Ra'iisul Wasaraha Itoobiya oo safarkii ugu horeeyey ku tagay Qatar

0
Tuesday March 19, 2019 - 22:33:48 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRI:- Ra'iisul Wasaraha Itoobiya oo safarkii ugu horeeyey ku tagay Qatar

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa booqasho rasmia ah uga bilaabatay Magalada Doxa ee Wadanka Qatar halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Mas'uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa booqasho rasmia ah uga bilaabatay Magalada Doxa ee Wadanka Qatar halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Mas'uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Isgaarsiinta dalka Qatar Jassim Bin Saif Alsulaiti, waxana loo gelbiyey Madaxtooyada, isaga oo wadahadalo kula yeelan doona Madaxda dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa safarka uu Maanta ku tagay wadanka Qatar waxa uu yahay kii ugu horeyeeyey uu ku tago tan iyo markii xilka la wareegay Bishii Maarso sanadkii tegay ee 2018.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku tagay Qatar ayaa lagu sheegay in uu Ganacsatada iyo dowladda Qatar uu kala hadli doono inay maalgashi ku sameystaan dalkiisa, sidoo kalena u qal qaaliyaan Maalgashi Caalami ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu sameeyey isbedelo dhinaca Gobolka ah,waxaana haatan xiriir wanaagsan uu la sameynayaa Wadanka Qatar, iyada oo ay xusid mudan tahay in Amiirka dalkaas Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani uu Addis Ababa Booqasho ku tegay Bishii April Sanadkii 2017.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip