Dhageyso:-Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Ehelada Caasha Ilyaas Aadan + Sawirro

0
Tuesday March 19, 2019 - 22:09:50 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Ehelada Caasha Ilyaas Aadan + Sawirro

    Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caasha Ilyaas Aadan Qarjab oo dhowaan kufsi iyo dilka loogu geystey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ehelada CAASHA ayaa waxaa hormuud u ahaa Il

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caasha Ilyaas Aadan Qarjab oo dhowaan kufsi iyo dilka loogu geystey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ehelada CAASHA ayaa waxaa hormuud u ahaa Ilyaas Aadan Qarjab oo ah Caasha Aabaheed, waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiiru dowladha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Saharciga, Xasan Yuusuf Nuur iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn si adag uga falceliyey tacadigii fooshaxumaa ee Caasha loogeystey, waxa uu cadeeyey Madaxweynuhu in sharciga la horgeynaayo dadka falkaasi geystey, wax naxariis ah oo loogeleyaana aanay jiridoonin, isla'markaana kiiskaasina lagu dhammayndoono si deg deg ah.

 

Ugu dambeyn, Ilyaas Aadam Qarjab oo ah Caasho Aabeheed ayaa sheegey in si wanagsan uu Madaxweynaha Puntland u qaabiley, isla’markaana uu Madaxweynuhu balan ku qaaday in sharciga lamarin doono danbiilayaashii falkaas arxandarada ahaa geystay si ay ugu cibro-qaatan cida danbe ee niyaysata fal nocaas ah.Dhinaca kale Madxweyne Deni ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay ilaashadaan sharaftooda iyo karaamadooda, kana dhiidhiyaan falalka lagula kacayo aruurta yar-yar ee aan mutaysan falalka foosha xun ee ugub ka ku ah dalka, Madaxweyanaha ayaa dhaqanka caasha lagula kacay ku tilmaamay wax xun oo aan abid ka dhicin adduunka.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Saciid Deni iyo Ehelada Marxuumada.  

Audio Player




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip