Diyaar garoowga Shirka Caalamiga Ee Waxbarashada Soomaaliya oo socda

0
Monday March 18, 2019 - 23:03:09 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaar garoowga Shirka Caalamiga Ee Waxbarashada Soomaaliya oo socda

    Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xildhibaan Abdullahi Goodax Barre, oo ay qayb ka yihiin xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra'iisul wasaaraha, xubno ka socda wasaaradaha arr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xildhibaan Abdullahi Goodax Barre, oo ay qayb ka yihiin xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra'iisul wasaaraha, xubno ka socda wasaaradaha arrimaha dibadda iyo waxbarashada ayaa caasimadda Kuwait kula kulmay wasiirka Waxbarahada iyo Tacliinta sare ee dalka kuwiet, Hamed Al Azemi

Kulanka ay yeesheen wasiirrada waxbarashada ee dalalka Soomaaliya iyo Kuwait ayaa lagu falanqeeyay hannaanka uu u qabsoomayo shir caalami ah oo arrimaha waxbarashada Soomaaliya looga hadlayo kaas oo gar-wadeen ay ka tahay dawladda Kuwait.

Wadfiga dawladda Soomaaliya ayaa shirka ka sheegay aragtida Soomaaliya ee ku aadan hannaanka qabanqaabada shirkaas oo muhiim u ah horumarinta waxbarashada dalka oo aasaas u ah hagaajinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare XFS iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee Kuwait ku sugan ayaa maalinta berri kulamo dheeraad ah la qaadanaya guddi ay dawladda Kuwait u magacaawday diyaarinta shirka caalamiga ah ee waxbarashada Soomaaliya oo Kuwait lagu qabanayo dabayaaqada sannadkaan 2019, ayna kasoo qayb gelayaan deeq-bixiyaasha.

Dawladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay in bulshada Soomaaliyeed hesho waxbarasho tayo leh, ayaa xoogga saaraysa hannaankii shirkaas ay uga soo baxi lahayd natiijo wanaagsan oo kaabaysa dadaallada loogu jiro horumatinta iyo hagaajinta waxbarashada dalka guud ahaan si dadka Soomaaliyeed ay aduunyada inteeda kale kula tartamaan aqoon iyo cilmi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip