DHAGEYSO:-Xukuumadda oo ka hadashay dagaalada ka socda Gobalada Galgaduud iyo Sh.Dhexe.

0
Monday March 18, 2019 - 20:26:30 in Wararka by
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO:-Xukuumadda oo ka hadashay dagaalada ka socda Gobalada Galgaduud iyo Sh.Dhexe.

    Wasiirka arimaha Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobalada shabeelaha dhexe iyo Galgaduud. Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arimaha Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobalada shabeelaha dhexe iyo Galgaduud. Waxaa uu sheegay wasiirka inuu aad ugu xun yahay in dagaal beeleed uu markale dalka ku soo laabto, isagoona ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda gobalada dalka.


Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya deegaanada Xeraale iyo Buur-dheer in ay joojiyaan xabadda, islamarkaana ay heshiis ku dhameeyaan dirirta u dhaxaysa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ku dadaalayso joojinta dagaal beeleedyada ka taagan gobalada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe, iyadoona Madaxda maamul gobaleedyada Hirshabelle iyo Galmudug ka dalbaday in ay arintaasi wax ka qabtaan.

Halkan ka Dhageyso Codka Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya.

XIGASHORADIOKULMIYE.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip