Shirkadda DP World Oo Sheegtay Inay Maalgelisay Hawlaha Dekedda Berbera

0
Monday March 18, 2019 - 20:22:00 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda DP World Oo Sheegtay Inay Maalgelisay Hawlaha Dekedda Berbera

    Shabakadda ka faalloota Arrimaha Ganacsiga ee arabianbusiness.com ayaa qortay inay Shirkadda DP World ay 12 million oo Dollar ku maalgelisay sidii loo hagaajin lahaa Hawlaha Dekedda magaalladda Berbera. Shirkadda DP World oo uu fadhigeeda dhexe k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shabakadda ka faalloota Arrimaha Ganacsiga ee arabianbusiness.com ayaa qortay inay Shirkadda DP World ay 12 million oo Dollar ku maalgelisay sidii loo hagaajin lahaa Hawlaha Dekedda magaalladda Berbera. Shirkadda DP World oo uu fadhigeeda dhexe ku yaallo magalladda Dubai ee dalka Imaaraadka ayaa sheegtay inay 3 Wiishash cusub ku soo kordhiyeen Hawlaha Dejinta iyo Rarista Xamuulka ee ka soo dega Dekedda Berbera, isla markaana ay awood u leeyihiin inay taageero ka geystaan xeebta dhinaceeda.

Guddoomiyaha Fulinta, ahna Agaasimaha Maamulka ee Shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika, Suhayl Al-banna ayaa sheegay  in Wiishashkaasi muhiim u yihiin horumarinta hawlaha Dekedda Berbera.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Maalgashiga Wiishashka cusub tahay tallaabadii ugu dambaysay ee qorshaha lagu hagaajinayo Dekedda Berbera.

Tan iyo sannadkii 2017-kii, Shirkadda DP World waxay keentay qalabka lagu qaado Kontaynarada, Gaadiidka iyo Nidaamyadda lagu casriyeynayo Dekedda taariikhiga ee Berbera.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip