Dhageyso:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Wasiirka A/Dibadda Eriteriya + Sawirro

0
Monday March 18, 2019 - 20:10:26 in Wararka by
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Wasiirka A/Dibadda Eriteriya + Sawirro

    Madaweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxtooyadda Somaliland waxa uu kulan gaar ah kula qaatay wafdi ka socda dalka Eriteriya oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed oo Maanta gaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxtooyadda Somaliland waxa uu kulan gaar ah kula qaatay wafdi ka socda dalka Eriteriya oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed oo Maanta gaaray halkaasi. Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo Eriteriya, ayaa markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, waxana ay ka warrameen ujeeddada waftiga ka socda dalka Eriteriya u yimaadeen iyo waxyaabihii ay Madaxweynaha iyo waftigu ka wada hadleen.

Ugu horrayn wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteria, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa sheegay in la gaaray waqtigii qiimayn lagu samayn lahaa xaaladda Somaliland, islamarkaana ay madaxweynahoodii ku celin doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,

"Waftigayaga ka socda dalka Eriteriya waxa nasoo diray Madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki, si aannu wax badan uga oggaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaaray waqtigii aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waannu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxana uu noo sharraxay xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ayuu yiri Wasiir Cismaan Saalax.



 

 
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa isaguna dhankiisa xusay in Madaxweynaha iyo waftiga ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay dalalka geesku isu kaashan lahaayeen, islamarkaana loo wadaagi lahaa afkaarta.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka A/Dibadda Somaliland kana Daawo Sawiradda.

Audio Player

XIGASHO 

XIGASHO:-RADIODALSAN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip