Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Deegaanka Burdheere

0
Monday March 18, 2019 - 11:14:53 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Deegaanka Burdheere

    Wararka aan ka heleyno deegaanka Burdheere ee hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada deegaankaas saakay ay degan tahay ,kadib markii shalay dagaal xoogan uu ka dhacay. Deegaanka Burdheere ayaa waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno deegaanka Burdheere ee hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada deegaankaas saakay ay degan tahay ,kadib markii shalay dagaal xoogan uu ka dhacay. Deegaanka Burdheere ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wallaalo ah,kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay. Ugu yaraan 30 ruux ayaa oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyootay dagaalkaas,halka tiro ka badana ay ku dhaawacmeen,sida dadka deegaanka ay sheegeen,waxaana weli jirta cabsi xoogan.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi,waxaana dhowr jeer oo horey dhexmaray dagaalo geystay Khasaarooyin kala duwan.

Waxgaradka deegaanka ayaa ku baaq in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanka Burdheere ee hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip