Hooyada Dhashay Ninkii Toogashada Ka Geystay Masjid Ku Yaalla New Zealand Oo Ka Hadashay Toogashadaasi

0
Monday March 18, 2019 - 11:07:34 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyada Dhashay Ninkii Toogashada Ka Geystay Masjid Ku Yaalla New Zealand Oo Ka Hadashay Toogashadaasi

    Booliska dalkaasi ayaa la sheegay inay hawlgal ka fuliyeen 2 guri oo uu deganaan jirey Eedeysanihii dhawaan dadka Muslimiinta ku dilay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Chrischurch ee dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dalkaasi ayaa la sheegay inay hawlgal ka fuliyeen 2 guri oo uu deganaan jirey Eedeysanihii dhawaan dadka Muslimiinta ku dilay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Chrischurch ee dalkaasi.

Booliska waxay rumeysan yihiin inay gurigaasi degganayd gabar la dhalatay Eedeysane Brenton Tarrant oo lagu magacaabo Sharon Tarrant.

Isla Boliska waxay hawlgal ka sameeyeen guri ay degganayd Hooyada dhashay Eedeysanaha oo lagu magacaabo Sharon, waxayna Boliska u kaxeeyeen Hooyada iyo gabadheeda meel ammaan ah, waxayna Boliska sheegeen inay Qoyska Eedeysanaha sii wadaan inay Boliska ka taageeraan Baaritaanka weerarkii uu Eedeysanaha Jimcihii la soo dhaafay ku dilay ilaa 50-qof oo Muslimiin ah.

Dhinaca kale, Eedeysanaha Ayeydiisa Maariye Fitazgerald oo 81-jir ah ayaa u sheegtay Warbaahinta nine news in Wiilkeeda uu isbedelay, kadib, markii uu u socdaalay dalal kale, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Eedeysanaha Adeerkiisa oo lagu magacaabo Teeri Fitazgerald waxa uu sheegay inay raalli-gelin ka bixinayaan dilkii loo geystay dadka Muslimiinta, waa sida uu hadalka u dhigay.



Dhinaca kale, Maydadka Marxuumintii ku shahiiday weerarkaas Argagixiso ayaa la filayaa in maalinta Arbacada lagu wareejiyo qoysaskooda, si loo aaso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip