Siyaasi Xag-Jir Ah Oo Sheegay Inuu Masjid Iyo Xarun Dhaqan Ka Dhisi Doono Sweden

0
Sunday March 17, 2019 - 23:33:21 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Xag-Jir Ah Oo Sheegay Inuu Masjid Iyo Xarun Dhaqan Ka Dhisi Doono Sweden

    Siyaasiga Mark Kollinis ee ka tirsan Xisbiga Midigta Fog ee dalka Sweden ayaa soo jeediyey qorshe uu ku doonayo inuu Masjid iyo Xarun Dhaqan ka dhiso Degmadda Karamfors ee Gobalka Vasternorrland ee Waqooyiga dalkaasi. Wargeyska Local Media ee dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Mark Kollinis ee ka tirsan Xisbiga Midigta Fog ee dalka Sweden ayaa soo jeediyey qorshe uu ku doonayo inuu Masjid iyo Xarun Dhaqan ka dhiso Degmadda Karamfors ee Gobalka Vasternorrland ee Waqooyiga dalkaasi. Wargeyska Local Media ee dalka Sweden ayaa qoray in Siyaasigaasi oo ka tirsan Xidbiga Dimuqraadiyadda Sweden (SDP) ee ka soo horjeeda Soo-galootiga ama Muhaajiriinta uu tilmaamay inay u baahan yihiin Muhaajiriinta, si loo joojiyo hoos-u-dhaca ku yimid tirada dadka ku nool magaalladaasi.

 
Siyaasiga Mark Kollinis oo 63-jir ah waxa uu xusay in Aragtidiisa tahay haddii la helo Masjid iyo Xarun Dhaqan inay taasi xoojinayso mas’uuliyadda Muslimiinta ee magaalladooda iyo deegaanadda ku hareeraysan.

Waxa kale oo uu farta ku fiiqay in Degmadda Karamfors isaga baxeen 100 qof muddo hal sanno gudaheeda, halka guud ahaan Gobalka Vasternorrland lumisay 500 oo Muwaadin muddo hal sanno ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip