Puntland oo baaq u dirtay Hay'addaha gargaarka
Arrimaha shirka looga hadlay waxaa kamid ahaa, Xoojinta wadashaynta Puntland iyo ICRC, Maxaabiista Puntland iyo Maamulka Somalinad kala haystaan, gaar ahaan kuwii lagu kala qabsaday dagaaladii ugu danbeeyay iyo arrimo la xidhiidha Abaarta ka jirta Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud ayaa ka warbixiyey kulanka.
"Maanta Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland waxa uu wada hadal la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socda hay’adda Laan-qayrta Cas ee Adduunka, waxaa ka mid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Puntland iyo hay’adda ICRC oo Madaxweyne ku-xigeenku arrintaa aad uga hadlay,Madaxweyne Axmed Karaash waxa uu hoosta ka xariiqay in waxkasta oo ay u baahan-yihiin oo dadka ay ku gaarsiinayaan caawinaad loo sahli doono, wax caqabad ahna aysan ku imaan doonin”. ayuu yiri wasiirka wasaaradda Caddaalada Arrimaha diinta iyo dhaqancelinta dawladda Puntland.
Ugu danbayn, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa madaxda hay’adda ka dalbaday inay gacan ka gaystaan abaaraha ku habsaday shacabka Puntland, waxaa sidoo kale uu uga mahadceliyay shaqadii hore ee ay u qabteen iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu ku booriyay inay sii laba jibbaaraan shaqooyinkooda.
Puntland oo baaq u dirtay Hay'addaha gargaarka
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiil ka socda hay'adda ICRC oo ay hogaaminayso Madaxa ugu sareeya Africa Miss. Patricia Danzi. Saraakiishan ka socda hay'adda IRC ayaa waxaa