HALKAAN KA ARISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADUSGU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA MAARSO 2019-KA

0
Sunday March 17, 2019 - 11:49:20 in Wararka by
  • Visits: 359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADUSGU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA MAARSO 2019-KA

    MEYDADKA MARXUUMIINTA LAGU DILAY NEW ZEALAND OO SHALAY LA AASAYO IYO MAGACA MARXUUMKII U HOREEYEY OO LA SHAACIYEY Qabanqaabadda Aaska 49kii Marxuum ee daraad lagu dilay toogashadii ka dhacday 2 Masjid oo ku yaalla magaalla dda Christchurch ayaa la b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MEYDADKA MARXUUMIINTA LAGU DILAY NEW ZEALAND OO SHALAY LA AASAYO IYO MAGACA MARXUUMKII U HOREEYEY OO LA SHAACIYEY Qabanqaabadda Aaska 49kii Marxuum ee daraad lagu dilay toogashadii ka dhacday 2 Masjid oo ku yaalla magaalla dda Christchurch ayaa la bilaabay in shalay la aaso. Boqolaal qof oo tiiraayeysan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Munaasabadda Aska qeybtii ugu horreysay Marxuumintaasi. Inta badan Marxuuminta ayaa ka soo kala jeeda dalalka Bariga dhexe, Geeska Afrika iyo Qaaradda Asia, iyadoo Marxuumkii 1aad ee magaciisa la shaaciyo uu u dhashay dalka Afganistan. Xaaji Daa'uud Nabi oo isagoo magangelyodoon ah soo galay dalka New Zealand sannadkii 1977kii ayaa ka mid ahaa Marxuumintii daraad lagu dilay weerarka ka dhacay Masjidka ku yaalla Christchurch. Mid ka mid ah carruurtiisa oo lagu magacaabo Yama Xaaji Daa'ud ayaa sheegay in Aabihiisa oo u degdegayey Salaadda Jimcaha ayuu la kulmay Toogasho ka socotay Masjidka gudihiisa, taasi oo keentay inuu ka mid noqdo Muslimiintii ku shahiiday weerarkaasi. Si kastaba ha ahaatee, Boliska dalka New Zealand weli si rasmi ahaan uma aysan shaacinin magacyadda 49ka Marxuum ee lagu dilay toogashadaasi iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan



AL SHABAAB OO GAARI DHUXUL SIDAY KU GUBAY SH/ HOOSE

Gaari-696x473Wararka ka imaanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa ku warramaya in shalay Al Shabaab fagaare ku yaalla degmada Awdheegle ay ku gubeen gaari Hoomey ah oo siday dhuxul.

Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in Al Shabaab ay dab qabadsiiyeen gaarigaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al Shabaab ay xireen darawakii waday gaariga la gubay.

Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah gaadiidka daabula dhuxusha ee isticmaala deegaanada ay arrimiyaan ee K/ Soomaaliya.

PAKISTAN OO MUWAADINIINTA SOOMAALI DA KA REEBTAY IN FIISAHA LAGU SIIYO GUDAHA GAROOMADA DALKAAS

SOMALI-AND-INDIAN-PASSAPORTS-REJECTS-660x430Ra’isulwasaaraha dalka Pakistan, Imraan Khaan waxa uu dhawaan shaaciyey inay wax ka bedeleen habka ay Dhoofayaasha ku heli jireen Fiisaha lagu soo galo dalkiisa, wuxuuna xusay inay Dhoofayaasha Ajaaniibta fiisaha lagu soo siin

doono marka ay ka soo degaan Garoomadda Diyaaradaha ee Pakistan.

Ra’isulwasaare Imraan Khaan waxa uu hadalkaasi ka sheegay Munaasabad uu ku furayey qaabka qaadashadda Fiisaha Onlineka oo lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Islamabaad.

Waxa uu tilmaamay in dadyowga ka soo jeeda 175 waddan fiisaha lagu siin doono marka ay ka soo degaan Garoomadda, iyadoo Liiska dalalkaasi laga reebay dalalka Somalia iyo Hindiya.

Ra’isulwasaaraha dalka Pakistan, Imraan Khaan waxa u uku micneeyey go’aanka ay Dhoofayaasha ku siinayaan Fisiaha Onlineka waxa uu ku micneeyey iyadooxaalladda ammaanka dalkiisa wanaagsan tahay, isla markaan ay jiraan Fursado lagu maalgashan karo iyo kuwo Dalxiis.

Dhinaca kale, mar sii horreysay, ilo ku dhow Wasaaradda Arrimaha Gudaha Pakistan waxaa lagu sheegay in Liiska B ee Fiisosiinta aad loo dhimay, iyadoo dalka Bangaladesh laga saaray Liiskaasi, balse dadyowga ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Hindiya ayaa ku haray Liiskaasi, taasi oo micnaheedu yahay in Muwaadiniinta labadaasi waddan inaysan ka mid ahayn Dhoofayaasha Fiisaha Online ku heli kara marka ay doonayaan inay booqdaan dalka Pakistan.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda sababaha ay Dowladda Pakistan ugu dartay dadka Soomaalida Liiska dadyowga aan Fiisaha Onlineka la siin Karin, xitaa marka ay Garoomadda dalkaasi ka degaan iyo inay Somalia barbar dhigto Hindiya oo ay colaad gaamurtay kala dhexeyso Pakistan.

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI OO WADAHADALLO LABO GEESOOD AH KU YEESHAY VILLA SOMALIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/03/20-1-750x430.jpgLabada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabaddiidka ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya ugu garab galo la dagaalanka Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti daacadda uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed.

"Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah. Waxaan aad iyo aad runtii kaaga mahadcelinayaa hoggaankaaga oo aad qayb uga tahay la dagaallanka argagaxisada.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu farriin walaaltinimo, hambalyo iyo dhiirrigelin uga sido shacabka reer Jabuuti, isaga oo hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir walaaltinimo oo soojireen ah, dowladdiisana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto sidii ay ula soo noqon lahayd maqaamkii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka.

ODAYAAL KA CABANAYA SAAMIQEYBSIGA ISBADALKA MAAMUL EE DOWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA

Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa sheegay in la siin saamigii ay ku lahaayeen isbadalka maamul ee ka dhaqan galay dowlad deegaanka Soomaalida.

Odayaashan oo qaarkood xiriir la soo sameeyay Hiiraan Online ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamul gobolka Shabeelle iyo hogaanka Nabadgalyada oo bilaabay sida ay hadalka u dhigeen cagajugleyn iyo xariga lagula kacayo odayaasha ka soo jeeda beesha mar kasta oo ay isku dayaan in ay ka hadlaan xaqa iyo xuquuqda uga maqan maamulka.

‘’Dhacdadii ugu danbeysay waxaa lagu xir xiray odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka yimid degmada Feer –Feer oo u tagay magaalada Godey in ay ka qeybgalaan kulan ay halkaa ku lahaayeen odayaasha dhaqanka beelaha degga dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya’’ ayuu yiri Cabdi Cabdulle Coloow oo laftirkiisa ka mid ahaa odayaasha la xiray.

Gaar ahaan tallaabadan ayeey ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan guddoomiyaha gobolka Shabeelle Max’ed Aadan Afloow, hoggaanka nabadgalyada gobolka Shabeelle iyo guddoomiyaha degmada Feerfeer oo ay ay sheegeen in ay ka danbeeyeen xariga odayaasha.

Odayaashan ayaa ka dalbanaya maamulka sare ee dowlad deegaanka gaar ahaan madaxweyne Mustafe Maxamuud Cagjar oo ay ka dalbadeen in uu hoos u eego cadaallad darrada lagu hayo beesha.

Maalmihii ugu danbeeyayba qeybo ka mid ah dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka soconayay kulamo iyo shirar isugu jiray kuwo dib –uheshiisiinneed iyo sidii ay bulshada qeyb uga noqon laheyd isbadalka ka jira deegaanka, waxaana ugu danbeeyay kulankii ka dhacay magaalada Godey ee gobolka Shabeelle.

SHIRKADDA ISGAARSIINTA HORMUUD OO DAAH FURTAY WAJIGII 4AAD ADEEGA (4G)

WhatsApp Image hormuud telecomShirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waxa ay daahfurtay shalay adeegga Internetka 4G (Faca Afaraad Fourth Generation) kaas oo aad uga waxtar iyo faa’iido badan 3G & 2G oo ay Hormuud horay u soo bandhigtay, adeeggan Internetka 4G waxa uu kuu sahlayaa in aad ku xiranto Kumbuyuutaradaaga gacanta adiga oo Isticmaalaya Datada Mobaylkaaga, haddii loo baahdana waxaa kula wadaagi kara Saaxiibadaada shaqada iyo guriga.

Shirkadda ayaa u adeegsatay horumarinta 4G hannaanka Mobile broadband oo ah fud udeeya in qalabka guurguura sida Kumbuy uutarada gacanta iyo Mobilelada caaqilka ah (Smart Phone) lagu xiro internetka wireless ama xarigga lahayn, waxaa kale oo lagu xiri karaa 4G qalabka madaxyada USBga qaata.

Waxa dheeri ku ah oo la socda adeegga Inte rnetka 4G (Faca AfaraadFourth Genera tion) adeegga kale ee LTE (Long Term Evolution) oo ah adeeg heer sare ah kaas oo kordhiya awoodda xiriirka (Network Capacity) islamar kaana badiya xawaaraha Mobaylka ee Inte rnetka, taas oo u fududeyneysa in adeegsad ayaashu (Users) ay si sahlan iyo waqti yar ku dhammeystaan wixii howl ah ee ay uga ba ahan yihiin adeegga Internetka 4G ee Hormu ud Telecom Ujeeddada Hormuud Telecom ka leedahay Internetka 4G

Shirkado badan oo isgaarsiineed ayaa dalka ka bixiya adeegga Internetka Mobaylka balse Hormuud waxaa ay daahfurka 4G uga dan leedahay buuxinta baahida Internetka ee macaamiisheeda, baahidaas ayaa aad u badatay kaddib adeegyada 2G & 3G oo dalabka adeeggan ee rukunka awgiis laga sii gudbayo, sidaas daraadeed waxa ay Hormuud Telecom keentay Mobile broadband waxa ayna markan daahfureysaa adeegga 4G+ LTE (Long Term Evolution)

Ineternetku Mobileku si guud waxa uu shalay kumilmay nolosha iyo shaqooyinka, waxaana jira howlo aan shalay suurtagal ahayn in ay qabsoomaan la’aantiis, howlahaas qaarkood waxa ay xiriir adag la leeyihiin nolosha iyo horumarinteeda, iyada oo haddaba halkaas laga shidaal qaadanayo Hormuud Telecom oo horumarin iyo kobcin kuwadda fududeynta adeegga Internet Mobaylka waxa ay ugu talagashay Macaamiisheeda in ay helaan adeeg Internet oo ah 4G+ LTE kaas kaqaybqaadanaya horumarinta Waxbarashada, Cilmibaarista, Ganacsiga, Isgaarsiinta iyo wacyiga dadweynaha guud.

WADDAMADA UGU HORREEYA ADEEGGA INTERNETKA MOBAYLKA 4G

South Korea 95.71%

Japan 92.03%

Lithuania 84.73%

Hong Kong 84.52%

Netherlands 84.1%

Singapore 82.61%

Norway 82.42%

Kuwait 81.77%

Sweden 81.37%

United States 81.3%

Qatar 81.29%

Hungary 79.77%

Australia 79.34%

Taiwan 78.05%

Finland 76.36%

UAE 75.92%

Canada 75.42%

Estonia 75.11%

China 73.83%

Bahrain 73.82%

(Source: OpenSignal)

Hormuud Telecom oo tixgelineysa baahida ay macaamiisheedu u qabaan adeegga Internetka Mobileka waxa aay dhammaan Macaamiisheeda u soo bandhigeysaa 4G+ LTE oo markii ugu horreysay lagu adeegsanayo kuna shaqeynaya dhammaan Dalka.

MAAMULKA G/SHABEELLAHA HOOSE OO SHEEGAY INAY DILEEN SARKAAL….

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa guulo waaweyn ka sheegtay dagaal culus oo deegaano ka tirsan gobolkaas ku dhexmaray Ciidamada xoogga dalka oo ay wehlinayeen maleeshiyaad deegaanka ah iyo Ururka AlShabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka YaaqBariweyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka ay sheegeen in lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ururka AlShabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitax Xaaji Cabdulle ayaa u sheegay Idaacadda Risaala in Maleeshiyaad is abaabulay iyo Ciidamada xoogga dalka ay howlgal ka sameeyeen deegaanka YaaqBariweyne, isla markaana ay ku dileen Sarkaalkaas oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Gargaduud sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in sarkaalkaas lala dilay laba ka mid ah ilaaladiisa,waxana uu sheegay in dadka deegaanka oo is abaabulay iyo Ciidamada dowladda ay siwadajir ah uga adkaan karaan Ururka AlShabaab.

AlShabaab dhankooda weli kama hadlin warkaan kasoo baxay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee ku aadan inay dileen sarkaal ka tirsanaa AlShabaab.

DIBADBAXYO KA SOO CUSBOONAADAY FARANSIISKA

Dibad baxayaal ayaa boob iyo dhac u geystay dukaamo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, dibadbaxyo noocan oo kale ah ayaa dalkaasi ka dhacay afar bilood kahor.

Booliiska ayaa dadkaasi u adeegsaday biyo iyo suntan dadka ka ilmeysiisa si ay u kala cayriyaan. In ka badan 120 qof ayayna booliiska xirxireen. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya sharci dhanka shaqada iyo shaqaalaha ku saabsan.

Waxay booliisku sheegeen in ilaa 10,000 oo qof ay ka qayb qaateen dibadbaxyada ka dhacay Paris, tiradan oo ka badan tirada dadkii ka qayb qaatay dibadbaxyadii dhowaan ka dhacay.

Weerar ka dhacay Paris

Madaxweyne Macron oo ka hadlay weerarkii Paris

Ilaa 32,300 ayaa guud ahaan ka qayb qaatay dibadbaxyada ka dhacay waddooyinka Faransiiska, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.

Si kastaba, booliiska ayaa sheegay in 36,000 oo qof ay si nabafd ah uga qayb qaateen mudaaharaadyo kale oo looga oso horjeeday isbeddelka cimilada oo ka dhacay Paris.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Faransiiska Christophe Castaner ayaa sheegay in in ka badan 1,400 oo saraakiil booliis ah la geeyay meelaha ay dibadbaxyadu ka socdaan.

Mr Castaner ayaa sheegay inuu booliiska ku amray inay wax ka qabtaan weerarrada aanan la aqbali karin ee ay dibadbaxayaashu geysanayaan.

NINKA LAGU TUHUNSAN YAHAY WEERARKII NEW ZEALAND OO MAXKAMAD LASOO TAAGAY

Ninka sida wayn loogu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey toogashadii ka dhacday New Zealand ee 49ka qof lagu dilay ayaa maxkamad la horkeenay waxaana loo haystaa hal dacwad oo ah dil.

Brenton Tarrant, oo 28 jir ah una dhashay Australia ayaa kasoo dhex muuqday shabaqa eedaysaneyaasha asagoo xiran dharka cad cad ee maxaabiista oo jeebaysan.

Waxaana la filayaa in lagusoo oogo dacwado dheeri ah.

Xildhibaan Jacinda Ardern ayaa sheegay in Mr Tarrant uu haystay afar buntukh iyo rukhsad dhanka hubka ah, wuxuuna intaas raaciyey in "sharciyada hubka wax laga baddali doono”

Labo qof oo kale ayaa xabsiga la dhigay. Mana jiro qof kamid ah dadkaas xiran oo horay dambiyo u galay.

Mr Tarrant ayaa xiran wax dambi ahna ma aanu qiran, waxaana lagu wadaa in 5ta April markale maxkamadda la horkeeno.

Qofkii ugu horreeyey ee waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii dhacay Jamcihii ayaa qoyskiisu sheegeen in lagu magacaabi jiray Daoud Nabi, oo ahaa 71 jir u soo guuray New Zealand kana yimid Afghanistan sanadkii 1980kii.

Dadka la dhaawacay waxaa ku jira labo wiil oo yar yar oo 13 jirro ah, kow iyo toban kamid ah dad la dhaawacay ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Christchurch, xaaladooduna aad ayay u liidataa sida uu sheegay madaxa qalliinka ee cisbitaalkaas, Greg Robertson.

Dalalka Bangladesh, India iyo Indonesia ayaa dhammaantood sheegay in qaar kamid ah muwaadiniintooda lagu dilay toogashada.

Maayarka magaalada Christchurch, Lianne Dalziel ayaa muujisay sida ay uga xuntahay "falkaas argagixiso” waxayna cod dheer ku sheegtay in la garab istaago dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Mar ay warfidiyeenada la hadlaysay ayay tiri "Dad cusub ayaan magaaladeenna kusoo dhawaynay, waana saaxiibbadeen, waana jaarkeena”. "Waa inaan iska kaashannaa sidii aan u garab istaagi lahayn.”

Waxa ay intaas ku dartay in calanka ka babanaya dhismeyaasha dawladda ee magaaladaas hoos loo dhigi doono "ilaa amar dambe”.

Ammaanka guud ee magaalada Christch urch ayaa la adkeeyey. Waxaana la xiray dhammaan masaajidda kuyaal New Zealand.

XILDHIBAAN U DHASHAY AUSTRALIA OO TAAGEERAY WEERARKII DARAAD OO UKUN LAGU WEERARAY

Senator Fraser Anning oo ah Siyaasi Midigta Fog ayaa la sheegay in lagu tuuray Ukun, kadib, markii uu Erayo Cunsuriyad leh ka bixiyey weerarkii daraad lagu qaaday 2 Masjid oo ku yaalla Koonfurta dalka New Zealand.

AUSTRALIAN-SENATOR-EGGEDSenatorka oo laga soo doortay magaalladdda Kuwiinisland waxa wejiga looga dhuftay Ukun, xilli uu Shir Jaraa’id ku qabanayey magaalladda Melboon ee dalka Australia, wuxuuna ku sifeeyey weerarkaasi wax uu ugu yeeray Natiijadda Muslimiinta Muhaajiriinta ee ku sugan gudaha dalkaasi.

Ra’isulwasaaraha dalka Australia, Iskoot Morrison waxa uu ku tilmaamay Senatorkaasi nin fool xun, oo dhib badan oo aan boos ku lahayn Australia.

Senator Fraser Anning oo isaga la soo doortay sannadkii 2017kii ayaa u muuqday inaan dib loo soo dooran doonin Doorashadda Australia ka dhici doonta bisha Meey ee soo socota ee sannadkan.

Dhinaca kale, Senetorkaasi waxa uu cambaarayn caalami kala kulmay hadalkiisa ku aadanaa weerarkii lagu dilay 49 Muslimiin ku cibaadaysanaysay Masaajid ku yaalla magaalladda ChrisChurch ee dalka New Zealand.

FANNAANIITA SAMATAR IYO CIGAAL OO SOO GAARAY MUQDISHO

Samatar-iyo-CigaalWaxaa shalay M/Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay fanaaniinta Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo ah hormuudka fanka Soomaaliya.

Labada fanaan oo muddo dheer ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa waxaa ay shalay si lama filaan ah u soo gaareen Muqdisho,iyagoo qeyb ka wafdigii madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle.

Imaashaha labadaasi fanaan oo dalka ka maqnaa mudo sodon sano ah ayaa waxaa socdaalkoOda soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale socdaalka Samatar iyo Cigaal ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo fanaaniin Soomaaliyeed ay ku yimaadaan dalka, kadib burburkii Soomaaliya.

Safarka labada fanaan ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinaya fanaanka caanka ah reer Jabuuti Cawaale Aadan oo sanadihii la soo dhaafay ku noolaa waqooyiga Ameerika.

ISKA HOR IMAAD SABABAY DHIMASHO IYO DHAAWAC OO SHALAY KA DHACAY MUQDISHO

Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay tiro kalane way ku dhaawacmeen israsaaseyn shalay Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya iyo ilaada Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ku dhaxmartay Isgoyska Sanca ee Gobalka Banaadir.

Qofka dhintay ayaa ahaa Askari ilaalo u ah Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir waxaana la sheegayaa in arintaan ay ka dhalatay muran dhaxmaray Ciidamada Booliiska oo wadada u xirneed iyo Ciidanka ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaashiid.

Ma jirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha amaanka oo arintaan quseysa, sidoo kale ilaa hada kama hadlin Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir oo ku sugnaa goobta markii ay wax dhacayeen.

CIIDAMADA PUNTLAND OO DIB UGA SOO BAXAY BUURALEYDA GALGALA

Ciidamada maamulka Puntland ayaa lagu soo warramayaa in shalay ay dib uga soo baxeen deegaanada Buuraleyda Galgala ee G/Bari.

Ujeedada ay ciidanku u soo faarujiyeen deegaanadaasi ayaa lagu sheegay in ay la xariirto cabasho ay ka qabaan mushaar la’aan heysata in muddo ah.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan arrintaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona cabsi xoogan ay ka taagan tahay meelaha ay soo baneeyeen ciidamadu, maadaama ay halkaasi ay ku xoogan yihiin Al Shabaab.

NINKII DARAAD WEERARAY MASJID KU YAALLA NEW ZEALAND OO HOREY U SOO BOOQDAY DALAL KU YAALLA EUROPE

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Brenton Tarrant ee ay ku fogaatay Waddaniyadda dadka Caddanka ayaa la sheegay inuu dabayaaqadii sannadkii hore booqasho ku tegay dalalka Bulgaria, Turkiga iyo Hangeri.

Dacwadoogaha dalka Bulgaaria, Sotir Tazatzarov ayaa sheegay inuu Eedeysanaha muddo hal isbuuc booqaday dalkaasi muddadii u dhexeysay bishii November 9dii ilaa 15dii ee sannadkii hore, isla markaana uu si gaar ah u booqday goobaha Taariikhiga.

Eedeysanaha Brenton Tarrant waxaa la sheegay inuu gaari uu kireystay ku maray caasimadda dalka Bulgaria ee Bukharest iyo dalalka Hangeri iyo Romaniya.

Waxa kale oo sannadkii 2016kii uu booqday qaar ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Balkaniska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Bulgaria, Maladen Marinov waxa uu sheegay inay baaritaan ku hayaan dadkii uu la xiriiray Eedeysanihii daraad dilka ka geystay Masaajid ku taalla dalka New Zealand.

Sidoo kale, Dowladda Turkiga waxay furtay baaritaan la xiriira inuu Eedeysanahaasi dhowr jeer booqday Turkiga, isla markaana uu muddo dheer ku sugnaa.

Wasiirka waxa kale oo uu tilmaamay inay baaritaan ku hayaan xogta ku jirta Lafta SIM Kaarka ee uu isticmaalay muddadii uu joogay dalka Bulgaria.

Brenton-Tarrant-iyo-qorigii-uu-wax-ku-dilayDhinaca kale, Eedeysanaha Brenton Tarrant ee dadka ka dilay, kuna dhaawacay 2 Masjid oo ku yaaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda isagoo lagu eedeeyey faldembiyeed Dil ah, wuxuuna Garsoorku dhegeysiga dacwadaasi dib u dhigay ilaa bisha soo socota ee April 5da.

CIYAARTOYDA SOOMAALIYA OO BILLADO DAHAB AH KASOO HOOYAY TARTAN CAALAMI AH.

http://www.somaliweyn.org/wp-content/uploads/2019/03/54436853_623997581373631_4719144962006974464_n-500x375.jpgCiyaartoyda Xulka qaranka Cayaaraha Fudud ayaa guul taariikhi ah kasoo hoyay tartan cayaaraha Fudud oo dalka Djibouti shalay lagu qabtay, waxayna kala soo hoyden laba biladood oo dahab ah iyo kaalimo kale oo wanaagsan.

Tartankan cayaaraha Fudud ee Djibouti International Meeting oo da’yarta iyo waa weyn u qaybsanaa waxaa Soomaaliya u tartamayay 5 cayaaryahan oo laba qayb ku kala tartamayay waxaana wafdiga cayaartoyda qaranka hogaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud, Khadiijo Aadan Daahir iyo Guddoomiye ku XigeenkaXiriirka cayaaraha Fudud Faarax Cali Macallin.

Halkan ka aqriso tartamada ay cayaartoyda ka qayb galeen iyo natiijada ay keeneen.

Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800mtr ayaa kaalinta koowaad ka galay kadib marki uu ku oraday 1:55 Ilbiriqsi waxaaa lagu abaalmariyay Biladda dahabka.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka1500 mtr ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa kaalinta koowaad isna ku dhamaystay kadib markii ku orday 3:46 :78 waxuuna sidaaasi ku hantay Biladda dahabka.

Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da’yrta orodka 800 ku tartamayay ayaa isna kasoo galay kaalinta 6aad ee tartanka.

Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000mtr ka qayb galay ayaa bandhigiisa aad u wanaagsanaa waxuu soo galay kaalinta afaraard kadib markii uu ku orday 8:36. isgaoo ku dhawaad inuu biladda maarta hanto.

Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waa weynka ku jiray ayaa kua dhamaystay kaalinta 7aad ee tartanka qaybtiisa 1500mtr waxuuna ku orday 3:49 taasoo ahayd Saacad wanaagsan.

Dhammaan cayaartoyda ayaa marka laga soo tago guulaha iyo kaalmaha ay galeen waxay sameeyeen saacado wanaagsan.

Cayaartoyda Xulka qaranka cayaaraha Fudud ee guulaha keenay ayaa xero tababar oo gudaha dalka waxaa sanadki 2017 ugu diyaariyay Guddiga olombikada qaranka Soomaaliyeed halkaas oo ay tababar ku qaadanayeen muddo sanad ah , waxaana kadib loo wareejiyay dalalka Kenya iyo Ehtiopia si ay tababarro heerkoodu sareeyo u helaan taasoo sahashay guushan taariikhi ah.

Waaxda warfaafinta GOS Info@nocsom.com

MADAXWEYNE DENI OO XARIGA KA JARAY KAYDKA SHIDAALKA GAROONKA DIYAARADAHA GAROOWE

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xadhiga ka Jaray Xarunta Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Caasimadda Puntland ee Garoowe.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/03/2-40-750x430.jpgMunaasabadda xadhig Jarka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Yugatoor (Gabiley), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, masuuliyiin ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xadhig jarka kadib, kormeer ku sameeyey qaybaha ay ka kooban tahay Xarunta Kaydka Shidaalka diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir, waxaana uu warbixin ku saabsan qaabka uu u shaqeeyo kaydku kasiiyey masuuliyiinta gacanta ku haya ee shirkadda Sunrice, isla’markaana Madaxweynaha ayaa ku dhiirigeliyey hawsha adag ay u hayaan dalka iyo dadka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa beyaamiyey in shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga lagu qaban doono Puntland, kaasi oo waxbadan kusoo kordhindoona kobaca dhaqaale ee dalka, Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi la qaban doono xagaaga soo socda..

 

BOGGA CAYAARAHA

MAN UNITED OO QAAB LIIDATA LOOGA SOO CIDHIBTIRAY FA CUPKA, WAJI GABIXII SOLSKJAER IYO WOLVES OO U SOO BAXDAY AFAR DHAMAADKA FA CUPKA.

Manchester United ayaa guuldaro waji gabax ah kala soo laabtay kooxda Wolves waxayna kooxda Wolves awooday in ay Red Devils ka cidhibtirtay tartanka FA Cupka. Manchester City ayaa noqotay kooxda wayn ee kaliya ee baaqi ku sii ah FA Cupka iyada oo Man United iska lumisay fursada ay afar dhamaadka FA Cupka ugu soo bixi kartay.

Wolves ayaa guushan ku gaadhay 2-1 iyada oo waliba Jimenez iyo Diogo Jota ay labada gool u dhaliyeen Wolves halka Rashford uu ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay ciyaarta dhaliyay goolka aan micnaha u yeelan Man United.

Tababare Nuno Espírito Santo aya halkiisa ka sii wata wacdaraha uu kubbada cagta England ka dhigayo isaga oo kooxda Wolves uu heerka labaad ka keenay hadda ka dhigay mid ay kooxaha waa wayni ka cabsanayaan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aan wax goolal ah la kala dhalin waxayna Manchester United ku fashilantay in ay wax goolal ah ka dhaliso Wolves oo iska caabin xoogan kala hortimid laakiin qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Wolves la soo laabtay kalsooni dheeraad ah waxayna dhibaato ku abuurtay Man United.

Daqiiqadii 70 aad ayay ahayd markii ay kooxda Wolves xaalada ku xumaysay Manchester United iyada oo goolka furitaanka uu dhaliyay R. Jiménez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Wolves ku heshay hogaanka ciyaarta ee ay u qalantay.

FRENKIE DE JONG OO FARXAD KA MUUJIYAY IN UU CRISTIANO RONALDO KU WAJAHAYO UCL.

Saxiixa cusub ee kooxda Barcelona ee Frenkie De Jong oo wali ka sii ciyaaraya kooxdii uu ku soo barbaaray ee Ajax ayaa farxad ka muujiyay in uu wajihi doono Cristiano Ronaldo marka ay kooxdiisa Ajax ka hor imanayso Juventus wuxuuna hore wacdaro uga soo dhigay kulankii Bernabeu ee ay Ajax tartanka Champions league kaga reebtay Real Madrid.

Frenkie De Jong oo 21 sano jir ah isla markaana loo arko xidigaha mustaqbalka kubbada cagta ugu fiican ku leh ayaa diyaar u ah in uu Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa Juventus ku wajaho UEFA Champions league wuxuuna qiray in markii uu ahaa 10-12 sano jirka in Ronaldo uu markaasba ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda kubbada cagta ugu fiican.

Cristiano Ronaldo ayaa wacdaro ka soo dhigay kulankii lugtii labaad ee wareegii 16ka kooxood ee Champions league isaga oo saddexley goolal ah ka soo dhaliyay Atletico Madrid si uu kooxdiisa Juventus ugu soo saaro siddeed dhamaadka UEFA Champions league.

Frenkie De Jong oo ka hadlaya in kooxdiisa Ajax lagu aadiyay Juventus ayaa yidhi: "Juventus waa mid ka mid ah kooxaha ugu adag ee aad wajihi karto. Waxaan arkay kulankoodii Atletico Madrid, xaqiiqdiina si fiican ayay u ciyaareen”.

De Jong oo ka sii hadlaya Juventus iyo haddii ay kooxdiisa Ajax fursad heli doonto ayaa yidhi: "Iyagu aad ayay weerar u yihiin waxayna leeyihiin tayo badan. Waxaan filayaa in aanu furusad heli doono”.

Laakiin Frenkie De Jong ayaa sababta uu ugu faraxsan yahay ka hor imaatinka Cristiano Ronaldo waxa uu ku sababeeyay: "Markii aan ahaa 10 ama 12 sano jirka, Cristiano Ronaldo waxa uu markaasba ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda aduunka ugu fiican. Taasi waa sababta ay u fiicnaan doonto in aan isaga hadda wajaho ee kulan dhab ah”.

Laakiin Frenkie De Jong ayaa tilmaamay in Juventus ay tahay kooxda ugu cad cad ee u soo gudbi karta wareega xidgta sidii ay Real Madrid u ahayd kooxda ugu cad cad balse ay ka yaabsadeen, wuxuuna qiray in hadda ayna Juventus iyaga yaraysan doonin.

De Jong oo arintan ka sii hadlaya ayaa yidhi: ‘Juventus ayaa ugu cad cad, laakiin Real Madird ayaa sidoo kale ahayd. Iyagu waxay ku farxayaan isku aadka, laakiin haddii ay nagu arkaan Champions League iyagu nama yaraysan karaan”.

Ajax ayaa haysata koox ciyaartoy da’yar ah oo aan kooxna ka cabsanayn waxayna aduunka kaga soo yaabsadeen labadii kulan ee ay Real Madrid kaga hor yimaadeen Champions League gaar ahaan kulankii Bernabeu taas oo hadda Juventus u noqonaysa wax ayna ku dhayalsan karin Ajax.

 







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip