Faallo: Socdaalka siyaasadeysan ee Madaxweyne Geelle!

0
Saturday March 16, 2019 - 22:46:38 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Socdaalka siyaasadeysan ee Madaxweyne Geelle!

    Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa socdaal siyaasadeed ku soo gaaray magaalada Muqdisho. Socdaalka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u muuqda mid uu maqaam siyaasadeed oo weyn ugu Ra

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa socdaal siyaasadeed ku soo gaaray magaalada Muqdisho. Socdaalka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u muuqda mid uu maqaam siyaasadeed oo weyn ugu Raadinayo in Dalka jabuuti oo ah mid ay hogaankiisa gacanta ku hayaan Madax Soomaaliyeed oo ka tirsan Qawmiyada Soomaaliyeed ee dagta Geeska Afrika. Bilowgii sanadkan Madaxda Jabuuti waxay dareentay in caasimada Muqdisho ay noqotey xero ay iska maamushaan hogaamiyayaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea.



arinkaas oo ah mid u cuntami waayay Madaxweyne ismaciil Cumar Geelle. Waxaana Socdaalkiisa loo badinayaa in uu salka ku hayo sidii uu sadex arimood uga dhaadhicin lahaa Hogaanka Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo kala ah:-

=QODOBKA 1-AD:- dalka iyo dadka reer Jabuuti waa Soomaali markasta waa inaad ogaataa dalka Eritrea waxaan isku haynaa dhul badeed muhiim ah waa inaad ka fogaateen khiyaanada
Madaxweyne Isaias Afwerki uu isaga horkeena Qowmiyadda Soomaaliyeed ee wada dhalatay.

=QODOBKA 2-AD:- furitaanka dhismaha cusub ee Safaaradda dalka Jabuuti oo ah midda labaad ee ugu weyn oo safaaradaha waqtiga ka furan Moqdisho waxay safaarada Jabuuti noqoneysaa mid hawlo siyaasadeed Qabata sida dib u heshiisiin ama wacyigalinta, iyo khilaafyada ka dhex abuurma Qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Taas oo umuuqata in Jabuuti meesha ka saareyso saameynta Dawladaha Turkiga. Qatar iyo Ethiopia oo ay Safaaradahoodu waqti dheer ku dhex jireen Kooxaha Siyaasadeed ee Soomaaliya isku haya. Gaar ahaan Guriga villa somalia ay ku yeesheen koox danahooda soomaaliya uga wakiila

=QODOBKA 3-AD:- dawlada Jabuuti waxey doonaysaa inay sameyn weyn ku yeelato arimaha amniga iyo Siyaasadda ee Soomaaliya, ee ay wadaan AU (Amisom) iyo UN,EU. Waxey kaloo dooneysaa iney Beesha Caalamka ka iibiso kaalinta ballaaran ee ay dowlada Jabuuti ku laheyd geeddi-socodkii dhismaha dowladnimada Soomaaliya kaas oo ka soo bilowday Shirkii Carta ee sanadkii 2000 iyo inay ka mid tahay Dawlad ka tirsan Qowmiyada Soomaaliyeed ee dagta Geeska afrika.

Way adag tahay in Madaxweyne Farmaajo uu fahmi karo danaha Qowmiyada Soomaaliyeed
ee iskuwada xeran ee ku nool Gobalka Geeska afrika inta uu hogaanka dalka Ethiopia uu Raysal Wasaare Abiya Ahmed ka yahay wuxuu Madaxweyne Farmaajo u arkaa saaxiib dhow oo ku ilaalin kara kursiga Madaxweyne ee Soomaaliya.

Hadaba waxaan Falanqeyntan kooban ku soo Gababaynayaa su’aasha ah.?

…Socdaalka Madaxweyne Ismail Cumar Geelle ku yimid magaalada Muqdisho ma ku Fashilin karaa heshiisyadii ay horey u wada gaareen dalalka Somalia Eritrea iyo Ethiopia, kuwaas oo lagu xusay iney bulshada 3-da dal dhexmaraan iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bulshada, Dhaqanka iyo Amniga.?

Jawaabta waamaya Madaxweyne ismaciil cumar Geelle waxay dhibaato ka haysataa dalka Turkiga iyo Qatar oo diidan in Madaxweyne geele sameyn ku yeesho hogaanka kooxda villa somalia waqtigan xukunta.

Danjire maxamed caalim
caalim68@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip