Ciyaalka Qurbaha!!! (Maqaal Xiiso Badan)

0
Saturday March 16, 2019 - 22:29:29 in Wararka by
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaalka Qurbaha!!! (Maqaal Xiiso Badan)

    Maanta waxaan Ku faraxsanahay inay Balantii wada fuliyeen. Dhowr Sanno Ka hor ayaa Saaxiibadeey iigu yimideen Oslo- Norway, Baabuur ayeey igu geeyeen Stockholm- Sweden. (F.S:1aad) Waxa ey yiraahdeen Labada habeen ee aad Nala joogee waxaan Ku daji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waxaan Ku faraxsanahay inay Balantii wada fuliyeen. Dhowr Sanno Ka hor ayaa Saaxiibadeey iigu yimideen Oslo- Norway, Baabuur ayeey igu geeyeen Stockholm- Sweden. (F.S:1aad) Waxa ey yiraahdeen Labada habeen ee aad Nala joogee waxaan Ku dajineeynaa Hotel. Waxaan Ku iri: Laba idinka mid ah Guryahooda ayaan seexanayaa, waxa ey yiraahdeen Qol shirar ayaan Hotel Ka qabaneeynaa, waxaan Ku iri: mid idinka mid ah Gurigiisa noo diyaariya. Weeyna iga Aqbaleen. Galabtii waxa ey i geeyeen Garoon dhalinyaro Somali ahi ey kubad Ku ciyaarayeen. Kadibna Dhalin yaro Cadaan/Ajnabi ah ayaan dood la galay, weli faraa ii taagan. (F.S: 2aad)

Habeenkii Hore waxaan seexday mid Ka mid ah Somalidii Gurigiisa, Caruurtiisa oo yar yareed waxaan u sheekeynayay illaa 3pm, Dalka iyo dhaqanka Somalida ayaan uga sheekeynayay.

Habeenkii Labaad waxaan seexday Somali kale Gurigiisa, Caruurtiisa waa waaweynaayeen , Laba wiil markaa ayeey Bilaabeen Dugsi Sare, Labada Gabdhood oo Ka yaraana waxa ey dhiganayeen Dugsiga Dhexe, weligood Somalia ma imaan Caruurto, Sheeka dheer kadib, waxa ey i yiraahdeen Adeer waxaa tahay Qofkii ugu horeeyay oo sidaan noogu sheekeeyo, Maxaad Naga codsanee?.

Waxaan Ku iri: Horta ballan ma leedihiin? Iyaga oo la yaaban su’aasheeyda ayeey igu yiraahdeen , Haa.


Waxaan Ku iri: Afartiinu iga ballan qaada in aad wax barashaad sii wadeeysiin oo aad Jaamacad Ka Soo qalin jabineysiin. Waa iga ballan qaadeen.

Gabadhii ugu yareeyd ayaa mar dhaw Soo qalin jabisay.

Caruurta Qurbaha qaarkood ballan waa leeyihiin, Dalkoodana waa jecelyihiin ee si wanaagsan wax ha loogu sheego.

Waxaan leeyahay Hambalyo Afartiina walaalaha ah, waalidkiin baari u noqda , wax barashadana sii wada.


Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip