Pakistan Oo Muwaadiniinta Soomaalida Ka Reebtay In Fiisaha Lagu Siiyo Gudaha Garoomada Dalkaas

0
Saturday March 16, 2019 - 22:12:21 in Wararka by
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pakistan Oo Muwaadiniinta Soomaalida Ka Reebtay In Fiisaha Lagu Siiyo Gudaha Garoomada Dalkaas

    Ra'isul-wasaaraha dalka Pakistan, Imraan Khaan waxa uu dhawaan shaaciyey inay wax ka bedeleen habka ay Dhoofayaasha ku heli jireen Fiisaha lagu soo galo dalkiisa, wuxuuna xusay inay Dhoofayaasha Ajaaniibta fiisaha lagu soo siin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isul-wasaaraha dalka Pakistan, Imraan Khaan waxa uu dhawaan shaaciyey inay wax ka bedeleen habka ay Dhoofayaasha ku heli jireen Fiisaha lagu soo galo dalkiisa, wuxuuna xusay inay Dhoofayaasha Ajaaniibta fiisaha lagu soo siin

doono marka ay ka soo degaan Garoomadda Diyaaradaha ee Pakistan.

 

Ra’isul-wasaare Imraan Khaan waxa uu hadalkaasi ka sheegay Munaasabad uu ku furayey qaabka qaadashadda Fiisaha Online-ka oo lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Islamabaad.

Waxa uu tilmaamay in dadyowga ka soo jeeda 175 waddan fiisaha lagu siin doono marka ay ka soo degaan Garoomadda, iyadoo Liiska dalalkaasi laga reebay dalalka Somalia iyo Hindiya.

Ra’isul-wasaaraha dalka Pakistan, Imraan Khaan  waxa u uku micneeyey go’aanka ay Dhoofayaasha ku siinayaan Fisiaha Online-ka waxa uu ku micneeyey iyadooxaalladda ammaanka dalkiisa wanaagsan tahay, isla markaan ay jiraan Fursado lagu maalgashan karo iyo kuwo Dalxiis.

Pakistan Oo Muwaadiniinta Soomaalida Ka Reebtay In Fiisaha Lagu Siiyo Gudaha Garoomada Dalkaas


Dhinaca kale, mar sii horreysay, ilo ku dhow Wasaaradda Arrimaha Gudaha Pakistan waxaa lagu sheegay in Liiska B ee Fiiso-siinta aad loo dhimay, iyadoo dalka Bangaladesh laga saaray Liiskaasi, balse dadyowga ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Hindiya ayaa ku haray Liiskaasi, taasi oo micnaheedu yahay in Muwaadiniinta labadaasi waddan inaysan ka mid ahayn Dhoofayaasha Fiisaha Online ku heli kara marka ay doonayaan inay booqdaan dalka Pakistan.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda sababaha ay Dowladda Pakistan ugu dartay dadka Soomaalida Liiska dadyowga aan Fiisaha Online-ka la siin Karin, xitaa marka ay Garoomadda dalkaasi ka degaan iyo inay Somalia barbar dhigto Hindiya oo ay colaad gaamurtay kala dhexeyso Pakistan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip