Qofkii ugu horreeyey ee ku dhintay weerarkii New Zealand oo la shaaciyey

0
Saturday March 16, 2019 - 12:42:23 in Wararka by
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofkii ugu horreeyey ee ku dhintay weerarkii New Zealand oo la shaaciyey

    Omar Nabi oo gacanta ku haya telefan uu ka dhex muuqdo aabbihiis Daoud, bannaanka maxkamadda. Qofkii ugu horreeyey ee lagu dilay toogashadii ka dhacday masaajid kuyaal magaalada Christchurch ayaa waxa uu noqday nin lagu magacaabo Daoud Nabi. Mr Nab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Omar Nabi oo gacanta ku haya telefan uu ka dhex muuqdo aabbihiis Daoud, bannaanka maxkamadda. Qofkii ugu horreeyey ee lagu dilay toogashadii ka dhacday masaajid kuyaal magaalada Christchurch ayaa waxa uu noqday nin lagu magacaabo Daoud Nabi. Mr Nabi, ayaa asal ahaan kasoo jeeday Afghanistan. Wiilkiisa Omar ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in aabbihiis uu dalka New Zealand kutilmaami jiray "qayb kamid ah jannada" Muwaadiniin u dhashay dalalka, Bangladesh, India iyo Indonesia ayaa la rumaysan yahay in ay ku jiraan dadka dhintay. Hay'adda Laanqayrta Cas ee New Zealand ayaa boggeeda ku daabacday liiska magacyada dadka la la'yahay.

Bulshooyinka Muslimiinta ah ayaa baraha bulshadu ay kuwada xiriirto soo galiyey dad la baafinayo oo aan la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen weerarka kadib.


Booliiska ayaa xaqiijiyey in 49 qof ay ku dhinteen weerarka balse wali lama soo saarin magacyadooda.


Laanqayrta Cas ayaa boggeeda ku qortay tiro dad ah oo isa soo taraysa kuwaas oo ay toogashadu qabsatay.
Dadkii weerarka ka badbaaday ayaa loo diiwaan galiyey in ay nool yihiin si ay u badbaadiyaan qaraabadooda, halka kuwa maqanna loo diiwaangaliyey in la la’yahay.

Gudbi Qalabka dhagaysigaCaawin Qalabka dhagaysigaWaad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato.
Xaaladda magaalada Christchurch ayaa ah mid cakiran
Dadka la la’yahay ayaa kasoo jeeda dalalka Jordan, India, Pakistan, Bangladesh, Afghanistan iyo Saudi Arabia.
Ugu yaraan afar qof oo Soomaaliya kasoo jeeda ayaa lagu dilay weerarka. Masaajidka Al Noor ee la weeraray ayaa waxaa wax ka maamuli jiray Soomaali.
Ururka Midnimada reer Suuriya ee New Zealand ka hawlgala ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo qaxooti reer Suuriya ah uu ku dhintay weerarka.
Urur ay leeyihiin dadka reer Pakistan ee ku sugan New Zealand (PANZ) ayaa Facebook-ga soo galiyey dad la la’yahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip