Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka soo degay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo.
Wafdiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya, Barbaarta gaashaaman iyo qeybaha kala duwan ee ku dhaqan Muqdisho.
Madaxweyn Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa inay xarigga jaraan Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho.
Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashi xoog leh oo ay yeeshaan Labada Dal.
Boqolaal Dad-weyne oo ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada Muqdisho,kuwaasi oo ka qeybqaadanaya soo dhaweynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka soo degay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo. Wafdiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweyna