Isku Aadka Siddeed dhamaadka & Afar Dhamaadka UEFA Champions League Oo La Sameeyay.

0
Saturday March 16, 2019 - 00:12:52 in Wararka by
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku Aadka Siddeed dhamaadka & Afar Dhamaadka UEFA Champions League Oo La Sameeyay.

    Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa hadda sameeyay isku aadka Siddeed dhamaadka iyo waliba dariiqa loo marayo finalka UEFA Champions league iyada oo la sii sameeyay isku aadka afar dhamaadka Champions league iyo qaabka ay kooxuhu u wada ciyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa hadda sameeyay isku aadka Siddeed dhamaadka iyo waliba dariiqa loo marayo finalka UEFA Champions league iyada oo la sii sameeyay isku aadka afar dhamaadka Champions league iyo qaabka ay kooxuhu u wada ciyaari doonaan. Liverpool ayaa noqotay kooxda guulaysatay marka loo eego kooxaha kale iyo isku aadka ay heleen waxaana Liverpool lagu aadiyay kooxdii la wada doonayay ee FC Porto taas oo ay waliba Liverpool xili ciyaareedkii hore guulo waa wayn ka gaadhay.


Laakiin Manchester United ayaa mari doonta imtixaan ciqaab ah waxayna madaxa iskula jiraan kooxda Barcelona oo ka mid ah kooxaha ugu cad cad ee koobkan loo saadaalinayo.

Juventus ayaa lagu aadiyay kooxdii Real Madrid soo cuntay ee Ajax waxaana la filayaa in markan uu Ronaldo muujin doono in Ajax ay la’aantii uga soo faa’iidaysatay reebitaankii Real Madrid wuxuuna haystaa fursada uu maamulka Madrid ugu muujin karo in isaga uu ahaa shaqsigii kooxda waday.

Manchester City iyo Tottenham ayaa soo kala calaf qaadi doona iyada oo kooxaha Premier league madaxa laysku galiyay.

Halkan kaga bogo Isku Aadka Siddeed dhamaadka UEFA Champions Leauge oo Dhamaysitran

Ajax vs Juventus

Liverpool vs Porto

Barcelona vs Manchester United

Tottenham vs Manchester City

Laakiin waxaa la sii sameeyay qaabka ay kooxaha siddeed dhamaadka ka soo gudbaa iskugu aadi doonaan afar dhamaakda iyada oo midkii soo baxa kooxaha Barcelona iyo Man United uu afar dhamaadka ku wajihi doono Liverpool ama FC Porto midkii soo baxa.

Waxayna taasi la micno tahay in Liverpool haddii ay soo dhaafto FC Porto ay mari doonto tijaabo kale oo aad u adag maadaama oo ay Barcelona ama Man United midkii soo baxa la ciyaari doonto.

Man City iyo Tottenham midkii soo baxaa waxa uu afar dhamaadka UEFA Champions League kula ciyaari doonaa kooxda soo gudubta Ajax iyo Juventus.

Qaabka Ay Kooxuhu Iskugu Aadi Doonaan Afar Dhamaakda UEFA Champions league

Tottenham/ Man City vs Ajax /Juventus

Manchester United /Barcelona Vs Liverpool / Porto

Haddaba akhriste, afartee kooxood ayaad filaysaa in ay u soo bixi doonaan wareega afar dhamaadka UEFA Champoins Leauge? Halkan hoose noogu reeb fikradaada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip