Nin ayaa yiri: Lacag badan ayaa Sanadkaan soo xarootay, Mushaar la'aanuna waa jirtaa.!!! =Nasashada Jimcaha. Q- 139aad=

0
Saturday March 16, 2019 - 00:11:03 in Wararka by
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin ayaa yiri: Lacag badan ayaa Sanadkaan soo xarootay, Mushaar la'aanuna waa jirtaa.!!! =Nasashada Jimcaha. Q- 139aad=

    1-Oday Geelle Salaad oo Reer Gaalkacyo ah ayaa Dallo Airway Xamar Ka raacay, intii Hawada lagu sii jiray ayuu istaag, kuna qeeyliyay Alloow Dayaarada Nala Soo rid, Dadkii ayaa Ku yiri: Maxaad noo Habaaree?. Waxa uu Ku yiri: Waa markii iigu horeeysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Oday Geelle Salaad oo Reer Gaalkacyo ah ayaa Dallo Airway Xamar Ka raacay, intii Hawada lagu sii jiray ayuu istaag, kuna qeeyliyay Alloow Dayaarada Nala Soo rid, Dadkii ayaa Ku yiri: Maxaad noo Habaaree?. Waxa uu Ku yiri: Waa markii iigu horeeysay oo aan Dayaarad Raaco. Haddaan Gaalkacyo tago Odayaashii Saaxiibadeey ahaa Aamini maayaan in aan Dayaaradii Ku imid, Laakin haddii ey BBC iyo VOA ey Ka maqlaan Oday Geelo ayaa Ku dhintay Shilkii Dayaaradii Soo dhacday wey aaminayaan in aan Dayaarad ku Safri karay. ( F.S: 1aad)

(Xildhibaan ayaa yiri: Allow, Dalka Nabadgalyo la’aanu ka dhacdo, si aan Dowlada u ridno, waxaa lagu yiri: Maxaad noo habaaree? Waxa uu yiri: Dadku naga aamini maayaan haddaan Mooshin Cusub keeno– F.S: 2aad)

2- Oday Reer Gaalkacyo ah ayaa yiri: war Soomalidii Qurbaha, maalin kasta BBC-da ayaa laga baafiyaa, ma Gaalaa Aargudsi u dishay, mise Xabsi ayey Ku jiraan?.

Saxiikii ayaa Ku yiri: waa laguu garanayaa, inta la baafinayo, Kuli waa Reer Gaalkacyo, markii hore ayey isku dhiibeen, Qabiil been ah, Magac been ah iyo Da’ been ah. Oday Guuleed oo 50 jir ah, ayaa Aabihii isaga dhalay isku dhiibay, 28 jir dhashay 1991, Lagalana cararay dagaaladii sokeeye. Dadka BBC-du Baafinee Qaarkood Xamar ayey Xil ka hayaan, iyaga oo leh magac kale, Beelaha kalena Boos ka gatay, Sida Cabdinur Guuled "Cabdi Carab”. ( F.S: 3aad)

3-Hooyo ayaa Wiilkeedii Ku tiri: Aniga iyo Aabahaa waan is furi rabnaa, ee Yaad Jeclaan leheeyd in aad raacdo?. waxa uu Ku yiri: Waxaan raacayaa qofkii WIFI internet-ka Guriga Ku jiro Qaato. War Ubadka intii Internet lagu barbarin lahaa, Waalid Jaceeyl ha lagu barbaariyo. (F.S:4aad)

(Wasiir ayaa lagu yiri: Xaalku ma fiicno, ee Shirka Kismayo kadib haddii Laba garab Soo baxdo keed raaci leheyd, wuxuu yiri: Garabka Jeebkeeygu Jeclaado, ee Dekadda & Airporka Xamar la guuraan )

4- Axmadey, ayaa Hooyadii Caasha Qurbajoog oo Maseeyrsan Ku yiri: Hooyo, Macallinkii Xisaabta ayaa Shalay nagu yiri: 4+1 waa 5, Maantana waxa uu nagu yiri: 3+2 waa 5. Hooyadii ayaa Ku tiri: Waa qof weyn oo aan go’ aan leheeyn sidii Aabahaa, iska daa Berri ayaan isguul kale Ku geeynayaa. ( F.S:5aad)

( Mucaarad Maseeyrsan armey nagu yiraahdiin, wixii shalay leeydiin sheegay iyo waxa maanta la idiin sheegayo isma lahan, ee annaga ayaa 2020 Dugsi kale idin geeynayaa)

5- Nin ayaa Saaxiibkii Dukaan uga tagtay, si uu sii gaarsiiyo waqti yar. Waxaa u timid gabar aad iyo aad u Qurux badan, waxa ey Ku tiri: Dukaankan Yaa iska leh?. Waxa uu Ku yiri: Aniga, waxaa ka helaa Bishii $ 50 kun oo faa’iiday ah, Seddax Dukaan oo kale ayaan leeyahay, Bangiga Lacag badan ayaa ii taal, sannadkii boqolaal kun oo faa’iido ah ayaan ka Sameeyaa.

Waxay Ku tiri: Anigu Waxaan Ka socdaa waxaada Canshuurta, ii sheeg Magacaaga oo seddaxan,. Waxaa uu Ku yiri: waxaa la i yiraa, beenloow ibnu beenloow, Dadka dhan waa igu yaqaaniin beenteyda, weydii Dadka xaafadda.

(Nin ayaa yiri: Lacag badan ayaa Sannadkaan Soo xarootay, iyo Mushaar la’ aanuna waa jirtaa. !!!!!!!. Magaciisa ma aqaan. Armaa Dukaankan looga tagay)

6-Nin marqaansan oo 3 Maalmood Jaad Ku dhafray ayaa Saxiibtii Shaleemo geeyay, kursigii ayuu Ku hurday, mar kaliya ayuu Qeylo Qaraw ah ku dhuftay. Yaa iga goostay G..,keeygii, ( Xubintii Taranka ayuu Ku celceli). Dadkii shaleemada Ku jiray ayaa qosul la daatay, Haddana wax yar Ka dib ayuu dib u sii qeyliyay, Xiniinyeheygiina waa lagu daray, Yaa iga goostay oo Xaday?. waa tan halkii laga goostay Gumad xatta kuma harin, Dadkii qosol. Gabadhii ayaa si hoose ula hadashay, war Naga aamus ALLA Ku ceebeeye oo Hurdada ka toos, Goowgaad i xanuunjisee, Gacantaadu waxa ey Ku jirtaa, Gorgoradeeyda iyo kastuumadeeyda hoostooda, kuwaagiina waa kugu yaaliin.

(Baddeenu meeshiidii ayay ku taal, ee yaa Kastuumo kukuuyo gacanta hoos galiyay—F.S: 6aad)

FG: kaftanka Magaalo haa Siyaasadeeyn, kamana maqno, adna ka aali meeyside.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip