DEG-DEG: Isku Aadka Siddeed Dhamaadka UEFA Euorpa League Oo La Soo Saaray.

0
Friday March 15, 2019 - 23:57:27 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG-DEG: Isku Aadka Siddeed Dhamaadka UEFA Euorpa League Oo La Soo Saaray.

    Xidhiidhka kubbada Cagta Yurub ee Yurub ayaa soo saaray isku aadka Siddeed Dhamaadka UEFA Europa League iyada oo kooxaha wareegan u soo baxay hadda ogaadeen halka ay ka sii wadan doonaan dagaalka loogu jiro koobka Europa League. Arsenal ayaa ciqaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhka kubbada Cagta Yurub ee Yurub ayaa soo saaray isku aadka Siddeed Dhamaadka UEFA Europa League iyada oo kooxaha wareegan u soo baxay hadda ogaadeen halka ay ka sii wadan doonaan dagaalka loogu jiro koobka Europa League. Arsenal ayaa ciqaab mari doonta waxaana lagu aadiyay kooxdii Champions leauge ka soo saaqiday ee Napoli iyada oo ay Carlo Ancelotti iyo Unai Emery ay isku wajihi doonaan siddeed dhamaadka UEFA Europa League. Chelsea ayaa lagu aadiyay kooxda Slavia Prague oo wareegii la soo dhaafay ku soo gumaaday kooxdii Sevilla ee koobkan loo saadaaliyay iyada oo kulankii lugtii labaad 4-3 ugu soo xasuuqday Sevilla waxayna wadarta labada kulan ku soo baxday 6-5 taas oo muujinaysa in Chelsea ay imtixaan adag mari doonto.

Laakiin Maurizio Sarri ayaa ka badbaaday kooxdiisii hore ee Napoli oo aanu doonayn in ay isku arkaan siddeed dhamaakda Europa League.

Kooxaha reer Spain ee Villarreal iyo Valencia ayaa madaxa laysku galiyay taas oo sabab u noqon doonta in hal ama koox oo kaliyi ay tartamada Yurub oo dhan ku matali doonaan Spain oo sanadihii ugu danbeeyay ay kooxo badani u soo bixi jireen.

Isku aadka Siddeed Dhamaadka UEFA Europa leagueOo dhamaystiran:

Arsenal v Napoli

Villarreal v Valencia

Benfica v Eintracht Frankfurt

Slavia Prague v Chelsea




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip