Ninkii Fuliyay Weerarkii New Zealand Oo La Aqoonsaday Iyo Madaxda Dunida Oo Ka Hadashay
Weerar xaasidnimo iyo wuxuushnimo
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri "Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:”
"Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta leh ay maraan ciqaab adag” ayuu yiri Putin.
Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa yiri "War naxdin leh ayaa caawa kasoo yeeray New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay”
Ficil laga yaqsiyoodo
Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tiri "Kadib weerar argagixiso oo argagax leh oo ka dhacay Christchurch, waxaa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saameeyey ficilkan rabshadeed ee laga yaqsiyoodo”
Dambi arxan darro
Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, Heiko Maas ayaa yiri "weerarkan arxan darrada ah wuxuu si qoto-dheer u saameeyey dalkayga”.
Xagjiriinta waxay burburinayaan bulshadeena
Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibanayaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yiri "Xagjiriinta iyo kuwa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena”
AFP
Ninkii Fuliyay Weerarkii New Zealand Oo La Aqoonsaday Iyo Madaxda Dunida Oo Ka Hadashay
Weerar lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, ayaa argagax, carro iyo lama filaan ka abuuray dunida. Mid ka mid ah kooxda weerarka fulisay – oo la rumeysan yahay inuu yahay xagjir Austra