Ra’iisulwasaaraha Australia ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay dalka New Zealand.
"Waxaan xaqiijin karaa in shaqsiga xabsiga ku jira la ii sheegay in uu Australi u dhashay, sidaas daraadeed Australia ayaa qayb ka ah baaritaanka la wado, dhammaan laamaha ku shuqul lehna baaritaanka wayna sii wadi doonaan” ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha Australia Scott Morrison.
Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa cambaaraysay weerarka lagu qaaday labada maajid.
Dhibaatada loo gaystay dadka cibaadaysanaya ayayna ku tilmaantay "mid ka mid ah taariikhda ugu madaw ee dalka Soo martay.
Afartan Ruux Oo Lagu Dilay Masaajiddo Ku Yaalla New Zealand
Afartan iyo sideed ruux oo dhaawac ah yaaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand. Dadkan ayaa ku dhaawacmay weerarradii masaajidda lagu qaaday David Meates oo ka mid ah masuuliyiinta caafimaadka ayaa she