Fadeexad haysata dowlada Kenya kadib markii 10km oo darbi Silig ah lagu dhisay 34 Malyan oo dollar

0
Thursday March 14, 2019 - 23:03:05 in Wararka by
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad haysata dowlada Kenya kadib markii 10km oo darbi Silig ah lagu dhisay 34 Malyan oo dollar

    Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa su'aal ka keenay sida ay suurtogal ku tahay in ay ku baxdo 35Malyan oo dollar darbi ka samaysan silig oo dhererkiisu gaarayo 10km kaasoo laga dhistey xadka Soomaaliya iyo Ethiopia. Dowlada Kenya ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa su'aal ka keenay sida ay suurtogal ku tahay in ay ku baxdo 35Malyan oo dollar darbi ka samaysan silig oo dhererkiisu gaarayo 10km kaasoo laga dhistey xadka Soomaaliya iyo Ethiopia. Dowlada Kenya ayaa markii hore ballanqaaday in ay ka dhiseyso darbi dhagax ah xadka ay wadaagaan dalka Soomaaliya dhererkiisuna uu gaarayo 700km (435 miles).

Hase yeeshee darbiga oo la doonayay in uu joojiyo dagaalamayaasha Al-Shabaab inay ka soo gudbaan ayaa noqday toban km oo silig kaliya ah.

Baarlamaanka Kenya ayaa amray in la joojiyo dhismaha siligan oo bilowday sanadkii 2015kii.

Dowlada Kenya ayaa waxaa hareeyay musuqmaasuq balse waxaa haatan ka socda dalka Kenya dadaalo lagu doonayo in loogaga hortago musuqmaasuqa sharcigana la horgeeyo cidii lagu tuhmo musuqmaasuq.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip