Askari & nin shacab oo lagu dilay duleedka Muqdisho

0
Thursday March 14, 2019 - 22:54:31 in Wararka by
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari & nin shacab oo lagu dilay duleedka Muqdisho

    Dabley hubaysan ayaa duleedka Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen laba nin oo mid ka mid uu yahay askari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley hubaysan ayaa duleedka Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen laba nin oo mid ka mid uu yahay askari.

Askariga & ninka shacabka ayaa wada saarna mootada loo yaqaan Fekonta, waxaana dilay laba nin oo hubaysan.

Askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cali, waxaana laga qaatay qorigii uu watay sida wararka sheegayaan.

Ninka kale ee la dilay ayaa wuxuu ahaa wadihii mootada Fekonta ee askariga ay wada socdeen.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen maydka labada ruux ee la dilay.

Kooxaha hubaysan ayaa dilal u gaysta ciidamada iyo dhalinyarada mootooyinka ku qaada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip