Kenya oo beenisay in Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya ay u wakiilatay shirkada Kenya Airways

0
Thursday March 14, 2019 - 22:47:01 in Wararka by
  • Visits: 359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo beenisay in Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya ay u wakiilatay shirkada Kenya Airways

    Wasiirka Gaadiidka dowlada Kenya ayaa sheegay inuu Wasiirka Duulista Hawada ee Somalia, Maxamed C/llaahi Salaad "Oomaar" wax lug ah ku lahayn Qandaraaska loogu tartamayey Wakiilka Guud ee Iibinta ee Xafiiska Shirkadda Diyaaradaha Kenya Aiwe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaadiidka dowlada Kenya ayaa sheegay inuu Wasiirka Duulista Hawada ee Somalia, Maxamed C/llaahi Salaad "Oomaar" wax lug ah ku lahayn Qandaraaska loogu tartamayey Wakiilka Guud ee Iibinta ee Xafiiska Shirkadda Diyaaradaha Kenya Aiweys u jooga dalka Somaliya. Bishii November ee sanadkii hoer ayay shirkada Kenya Airways soo bandhigtey qandaraas ay ku dooneysay inay ku hesho wakiilka guud ee iibinta shirkadda ee dalka Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka ee Kenya ayaa sheegay inay Kenya Airways iyo Saraakiisha iyo Wasaaradiisa ahaayeen kuwii go’aanka ka gaaray xulashadda qofka Madaxda ka noqon doona Xafiiska Iibinta Kenya Airways ee suuqa cusub ee Somalia.

Madaxa Fulinta ee Kenya Airways, Sebastayn Mikoz ayaa sheegay in Khadka cusub ee Muqdisho qeyb ka yahay qorshaha ay ku doonayaan inay ku kordhiyaan duulimaadyadda Kenya Airways, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muhiimadda la siinayo Macaamiisha Shirkadda ee isugu jira Maalgashadayaasha, Ganacsatadda iyo Dalxiisayaasha ee ka shaqeysta ama maalgashada Somalia.



Diyaaradaha Shirkadda Kenya Airways waxay maalin walba duullimaad isaga kala gooshtaa Garoomada Calaamiga ee magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip