Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo booqday Talisyaa guutada 11aad iyo Qeybta 43aad

0
Thursday March 14, 2019 - 22:35:29 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo booqday Talisyaa guutada 11aad iyo Qeybta 43aad

    Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyaad General Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa maanta kormeeray taliska guutada 11-aad, qaybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka ee magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyaad General Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa maanta kormeeray taliska guutada 11-aad, qaybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka ee magaalada Kismaayo.

Generaal Indha Qarshe ayaa la kulmay taliyaasha guutada 11aad iyo qeybta 43aad isagoo ka dhagaystey warbixino  xaalada guud ee ciidamada xoogga dalka ee kahowlgala  Jubbaland.

Ciidamada xoogga dalka ayaa qeyb ka ah howlgalo ka socda deegaano kamid ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa hore dhowr jeer ugu dhowaaqay inay ku qaadayaan weerar saldhigyada ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka ururka AL-Shabaab hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto tuulo kamid ah gobolka Jubbada Dhexe oo ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada maamulka Jubbaland tan iyo markii lagu dhowaaqay dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Indhoqarshe ayaa qeyb ka ah wafdiga uu horkacayo ra’iisul wasaare Kheyre oo ku sugan magaalada Kismaayo.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip