14-KA MAARSO 2019-KA HALKAAN KA ARISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADUSGU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 15-KA MAARSO 2019-KA
BOQOL CARRUUR OO KU HOOS XAYIRAN BURBURKA DHISMO DUGSI KU YAALLA NIGERIA
Dhismo Dugsi Hoose oo ku yaalla magaalladda Laagoos ee
dalkaasi ayaa la sheegay inuu soo dumay, waxaana laga cabsi qabo inay boqol
Arday iyo dad kale ku hoos xaniban yihiin burburka Dhismahaasi.
Kooxaha Gurmadka
ayaa la sheegay inay weli ku hawlan yihiin sidii loo soo badbaadin lahaa dadka
ku hoos xaniban Dhismaha Dugsiga oo ka koobnaa 3 dabaq.
Afhayeenka Hay’adda Maaraynta Masiib ooyinka ee dalkaasi,
Sani Datti oo la ha dlay Wakaalladda Wararka AP ayaa shee gay inay Saraakiisha
iyo kooxaha gurmad ka ku hawlan yihiin sidii dad nool looga soo saari lahaa
burburka dhisma haasi.
ILHAAN OMAR OO SI KULUL
U NAQDISAY SACUUDIGA IYO MAREYKANKA
Labada Haweenka Muslimka ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka
ee Ilhaan Cumar oo asal ahaan Somali ah iyo Rashida Talayba ee asal ahaan
Falastiiniyad ah, waxay si kulul u dhaliileen Hubka ay Maraykanka siiyaan
Sacuudiga ee loo adeegsanayo dagaalka ka socda dalka Yemen.
Qoraal ay Ilhan Omar soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku
sheegtay inay Sacuudiga had iyo jeer heerka ugu xun ku jiraan Tacadiyadda
Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka, isla markaana ay mas’uul ka yihiin macluusha iyo cuddurka Koleeraha ee dadka
Reer Yemen.
Waxay sii raacisay inay Sacuudiga weli yihiin kuwa ugu
sarreeya ee iibsada hubka lagu farsameeyo Maraykanka, waxayna Ilhan Omar isweydiisay
sababaha uu Madaxweyne Donald Trump ula dhinac noqday kuwa hubka soo saara ee
ka dhanka ah dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha.
Hadalkeeda waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay
Mudanayaasha Aqalka Sen edka Maraykanka xalay yeelan doonaan Kulan ay kaga
doodayaan Tacadiyadda ay Isbahaysiga Sacuudiga ka geystaan dalka Yemen iyo
sidii loo joojin lahaa hubka laga iibiyo.
Bishii la soo dhaafay, Aqalka Senedka ee dalkaasi waxay u
codeeyeen qaraar ku baaqay inay Maraykanka joojiyaan taageeradda dagaalka ee ay
Isbahaysiga Sacuudiga ka siiyaan dagaalka Yemen.
Si kastaba ha ahaatee,
Sacuudiga waxay tan iyo sannadkii 2015kii hoggaa miyeen Isbahaysi Carbeed oo ka
dhan ah Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee Iiraan taageerto.
DIBLUMAASI U DHASHAY
DALKA QADAR OO KU TILMAAMAY INUU YAHAY ADDOON MUWAADIN SOOMAALI AH
Diblumaasi u dhashay dalka Qadar oo ka howlgala safaarada
dowlada Qadar ay ku leedahay dalka Ingiriiska ayaa ku tilmaamay muwaadin
Soomaliyed oo haysta dhalshada Britain addoon.
Maxamuud Axmed oo ah muwaadin asalkiisu yahay Soomaali ayaa u
ahaa darawal Cabdulahi Cai AlAnsari oo ah diblumaasi u dhashay dalka Qadar
madaxna ka ah qeybta caafimaadka ee safaarada Qadar magaalada London.
Hase yeeshee mudadii uu u shaqeynayay ayuu waxaa loola
dhaqmay Maxamuud Axmed oo ah 79 jir siyaabo aadanimada ka baxsan waxana uu
haatan dacwad u gudbiyay maxkamad ku taal magaalada London.
Maxamuud Axmed oo sidoo kale ka ahaa safaarada Qadar ee dalka
Britain ayaa shaqeyn jirey 24 saacadood 7 maalmood sida ay daabacday jariirada
the telegraph.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in muwaadinkan Soomaaliyeed
la isku dayay in la siiyo lacag laaluush ah oo gaareysa konton kun oo Yuro ah
si uu uga laabto dacwada.
Maxamuud Axmed ayaa shaqadii uu ka hayay safaarada Qadar ee
London ayaa intii uu ka shaqeynayay safaaradaas waxaa marwalba uu kala kulmayay
aflagaado iyo handadaad diblumaasiga u qaabilsanaa caafimaadka safaarada Qadar
ee Britain.
Ganacsade Soomaaliyeed Oo Goordhow Lagu Dilay
Magaalada Pretoria
Waxaa Goordhow kooxo burcad Koonfur Afrikan ah gudaha
wadankaas ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka ganacsiga ku
leh dalkaas.
Dad ku sugan
Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay Xafadda Mamelodi oo
hoos tegta Magaalada Pretoria,isla markaana kooxo hubeysan oo burcad ah ay
dhowr xabadood ay la dhaceen Muwaadinka Soomaaliyeed,waxaana xiliga falkan uu
ka dhacaayay ku sugnaa halkaasi.
MADAXWEYNE LAFTAGAREEN
OO SHALAY GAARAY DEGMADA DIINSOOR EE GOBOLKA BAAY
Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in Marxuumka lagu
magacaabi jiray Cabdifitaax Cali Xoosh,kaasi oo kamid ahaa Ganacsatda
Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika.
Labda habeen kahor ayey aheyd markii Muwaadin Soomaaliyeed oo
lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Xuseen Muxumed Xasan sidaan oo kale
loogu dilay Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Sanadkan gudihiisa lagu dilay
dhowr qof oo Soomaali ah kana kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh
dalkaasi,iyadoona weli aysan jirin cid
ka hadashay dilalka arxan darada ah ee loo geysanaayo Soomaalida kunool Koonfur
Afrika.
RA’IISUL WASAARE KHEYRE
OO KULAN LA QAATAY DHALINYARADA MAGAALADA KISMAAYO
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),
mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Kismaayo kulan xogwaysi ah kula
yeeshay dhallinyarada ku nool magaalada.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhallinyarada u sheegay
in hoggaanka dalku uu muhiimmad gaar ah siinayo arrimaha dhallinyarada ayaa uga
jawaabay su’aalo ay ka waydiiyeen xiri irka dawladda dhexe iyo dawladgobaleed
yada, qorshaha amniga, waxba rashada, caafimaadka, doorashooy inka, Shaqoa
buurka dhallinyarada, Kobcinta dhaqaa laha, ma algashiga, iyo barnaamijka Caf
inta daynta lagu leeyahay dalka.
Dhammaan
mas’uuliyiinta dawladda feder aalka iyo dawlad gobaleedyada ay uu sheegay
Ra’iisul Wasaaruhu in laga doonayo wada shaqayn buuxda ayna ma s’uuliyadi ka
saarantahay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan, isaga
oo intaa raaciyay in um madda Soomaaliyeed kula xisaabta mayaan inta ay xilka
hayaan waxa ay dhisaan iyo waxa ay qaldaan.
Ra’iisul Wasaare
Khayre ayaa shee gay in Sugidda amniga ay ku xirantahay hagaajinta dhaqaalaha,
siyaasadda, arrim aha bulshada, isaga oo intaa raaciyay in shaqo la’aanta
dhalinyarada, musuqa, qa byaaladda, nin jeclaysiga ay qayb ka qaa danayaan amni
darrada, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo hannaankii wax looga qaban
lahaa.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhal linyarada
uu kulanka la yeeshay u sheeg ay in dawladdu ay dibuhabayn ballaaran ku wado
dhaqaalaha, ciidanka qaranka, siyaasadda iyo horuamrinta arrimaha bul shada si
loogu guulayso himilada ummad da Soomaaliyeed, loona jeexo waddadii horumarka
dalka.
Ra’iisul Wasaare
Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada u cadeeyay in hagaajinta mustaqbalka
ummadda Soomaaliyeed ay ku xirantahay sida waxbarasho tayo leh dalka looga hirgeliyo,
arrintaasna ay dawladdu dadaal badan gelinayso.
DFS OO LA SHEEGAY IN AY
SOO DAABAC AN DOONTO SHILLIN SOOMAALI CUSUB
Shabakadda ka faalloota Arrimaha
Ganacsiga ee businessdailyafrika.com ayaa qortay inay DFS doonayso inuu
hawshaasi u qabto Khabiir fadhigiisu yhaay Nairobi, kaasi oo ay Hay’adda
Lacagta Adduunka ee IMF kula heshiisay inuu farsameeyo Lacago cusub oo Shillin
Soomaali ah.
Tallaabadan ayaa la sheegay in looga dan leeyahay sid loo
helo lacago lagu bedelo Shillin Soomaaliga haatan ee duugoobay.
Somalia wax lacag rasmi ah ma lahayn
tan iyo markii ay burburtay Dowladdii dhexe bishii Janaayo ee sannadkii 1991kii.
DFS waxay u sheegtay Kooxda Dibueegista
ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo
ay bishii hore kula kulmeen magaalladda Nairobi qorshaha lagu soo daabacayo
Shillin Soomalaida cusub, iyadoo la isla eego jadwalshaqo ee arrintaasi,
waxaana la magacaabay Guddi gacan ka geysta hawlaha lagu samaynayo Lacagta
Cusub.
Shabakadda businessdailyafrika.com
waxay qortay inay DFS u sheegtay Hay’adda IMF in loo bahan yahay ilaa 41 million oo Dollar oo
lagu fulin lahaa Mashruuca daabacaadda Lacagta cusub ee Somalia.
Wejiga Koowaad ee qorshaha Isbedelka
waxay DFS doonaysaa inay arkaan in la soo daabaco 752.5 million oo Lacagta
Shillin Soomaaliga ee Xaashida ama Nootka ah, taasi oo lagu beddeli doona Wareegga Shillin Soomaaliga haatan la
isticmaalo.
Lacagtan cusub waxay u saamixi
doontaa Bangiga Dhexe ee Somalia inuu dhisto Kayd difaac ee Lacagtiisa u gaarka
ah iyo in la sameeyo Nidaamka Dhexe ee
Lacagbixinta iyo in la xoojiyo Nidaamka Sharciga ee Bangiyadda ka jira dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Wejiga Labaad
ee Isbedelka Lacagaha waxay Somalia daabacan doontaa Lacag badan oo tayo leh
iyo horumarinta Siyaasadda ee Lacagta Madaxabannaan iyo Maaraynta Kaydka Lacagaha
dalka Somalia.
Xigasho: businessdailyafrika.com.
WARARKII UGU DAMBEEYAY KOOXO HUBE YSAN OO QOF SHACAB AH KU DILAY MUQDISHO
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya
kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo habeen hore gudaha Degmada Hodan ee Gobolka
Banaadir ku dilay Nin Shacab ahaa.
Dad goobjoogayaal ah oo hadlay Dalsan
ayaa waxa ay u sheegeen in dilkan uu ka dhacay Nawaaxiga Jaamacadda Gaheyr ee
ku taalla Degmada Hodan,isla markaana rag hubeysan dhowr xadadood ay uga
dhufteen qeybaha sare ee jirka Ninka Shacabka ahaa,kaasi oo xiliga la dilaayay
ku sugnaa halkaas.
Sdioo kale waxaa
la sheegay in kooxihii ka dambeeyay falkaasi ay ku bax sadeen luuq yar oo ka
agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Sooma
aliya ayaa habeen hore howlgalo ka sameeyay qeyb kamid ah degmada Hodan,kaasi
oo lagu raadinaayo ragii fuliyay dilka loo gey stay Ninka la sheegay in uu ahaa
Shac ab,hayeeshee weli lagu ma guuleysan in gacanta lagu soo dhigo.
Magaalada Muqdisho
ayaa waxaa mudd ooyinkii dambe ku soo batay dilalka qorsheysan oo loo
geysanaayo Ciidama dadowlada iyo dadka Shacabka ah,wax aana Mas’uuliyadooda
sheegta Alshaba ab.
FAAHFAAHIN KA SOO
BAXAYSA MIINO KU QARAXDAY SUUQA DEEGAANKA GOOFGADUUD
Waxaa soo baxaya faahfaahino la
xiriira qarax ka dhacay suuq weyn oo ku yaal deegaanka Goofgaduud ee gobolka
Bay iyadoo qaraxaasna ay ku dhinteen lix ru ux halka 40 kalana ku dhaawacme en.
Qaraxan oo ka dhacay bartamaha suuq
lagu iibiyo xoolaha oo maalinta Arbacada la isugu yimaado ayaa dadka wax ku
noqday waxa ay isugu jireen xoolo dhaq ato iyo ganacsato.
Dadka ku dhaawacmay qaraxanayaa la
geeyay isbitaalada ku yaal magaalada Baydhabo waxaana laga cabsi qabaa in
tirada dhimashada ay sii kororto.
Deegaanka Goofgaduud ayaa soddon km
dhinaca Waqooyi ka xigaa magaalada Baydhabo waxaana ku sugan ciidamada Maamulka
Koofurgalbeed iyadoo hore dhowr jeer ay u soo weerareen dagaala mayaasha AlShabaab.
MAREYKANKA OO SHEEGAY
IN UU DUQEYN KU DILAY DAGAALAMAYAAL KA TIRSAN ALSHABAAB
Hadalqoraal oo ka soo baxay Taliska
Ciiddanka Maraykanka ka jooga qaaradda Afrika ee AFRICOM ayey ku sheegteen inay
8 Dagaalame oo ka tirsan Alshabaab ku dileen duqeyn Diyaaradeed oo ay bishan 11dii
ku qaadeen Deegaanka Darasalaam ee Gobalka Sh/hoose.
AFRICOM waxay sheegtay inay
Duqeyntaasi ku taageerayeen Ciiddanka DFS oo iyagu qeyb ka ahaa Hawlgalkaasi,
kuwaasi oo weerar kala kulmay Alshabaab.
Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga
qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen inaysan waxyeello soo gaarin
inciiddankoodii ka qeyb galay Hawlgalk aasi.Balse, Dagaalamayaasha Alshabaab
ayaa sheegay inay Sarkaal Maraykan ah ku dileen iska horimaadkii ka dhacay Dee gaanka
Darasalaam ee G/ Sh/ hoose.
XOG: WAXGARADKA &
SIYAASIYIINTA K/GALBEED OO GO’AAMO HALIS AH KA GAARAYA DF HADDII AAN LA SII
DEYN MUKHTAAR ROOBOW
Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheeg
aya in Dowlada Soomaaliya markale laga codsaday inay xabsiga kasii deyso Mu
khtaar Roobow Cali Abuu Man suur.
Kulan daraad ka dhacay Magaalada Muq disho ayaa odayaasha iyo siyaasiyi inta Koofur Galbeed
14-KA MAARSO 2019-KA HALKAAN KA ARISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADUSGU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 15-KA MAARSO 2019-KA
COL. CAARRE OO SHEEGAY IN UU QABTAY WASIIRKA GAASHAANDHIGA SOMALILAND KUNA DHAWAAQAY Col. Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano (Caarre), isla markaana hoggaamiya jabhadda la'dagaallanta Somaliland ee ku sugan magaalada Qardho ayaa Garoowe m