Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo Qabtay Saraakiil Shabaab ahaa+Magacyo

0
Thursday March 14, 2019 - 00:08:00 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo Qabtay Saraakiil Shabaab ahaa+Magacyo

    Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa Daraawiishta dawlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada degmadda Jammaame ee gobolka Jubbada hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa Daraawiishta dawlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada degmadda Jammaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howl-galladaan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxa ay ka dhaceen meel 10 KM u jirta degmada Jammaame, iyaggoona ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay jiinka webiga ka galeen deegaanka Yiireey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jammaame.

Tiro ka mid ah Al-shabaab ayaa howl-galka lagu khaarajiyay, waxaana nolosha lagu hayaa tiro badan.

Sida ay sheegeen Saraakisha Ciidamada Jubbaland Lix Qof oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil sar-sare ah ayaa laga diley Shabaab, waxaana nolosha lagu qabtay Seddex Kale.

Saraakiisha la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Cali Waraabe, Tima Jilic iyo Galley, kuwaas oo Shabaab u qaabilsanaa Cabsi gelinta dadweynaha.

Diyaaradaha Mareykanka oo howlgalka qeyb ka ahaa ayaa duqeeyey seddex gaari oo ay Al-shabaab gurmad ahaan u soo direen, waxaana halkaas ku basbeelay Saanad ciidan iyo raggii la socday.

XIGASHO:-SIMBANEWS.NET




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip