Xaruntii ugu horeysay ee lagu Daweeyo dadka qaba cudur-ka Dhimirka oo laga hergaliyay magaalada Beledweyne

0
Thursday March 14, 2019 - 00:00:24 in Wararka by
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaruntii ugu horeysay ee lagu Daweeyo dadka qaba cudur-ka Dhimirka oo laga hergaliyay magaalada Beledweyne

    Xaruntan oo noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah laguna daweeyo dadka qaba xannuunka dhimirka ayaa laga hergaliyay qeyb ka mid ah Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne Axmed Maxamed Shire oo ah Dhakhtarka kaliya ee ilaa hadda ka howlgala xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaruntan oo noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah laguna daweeyo dadka qaba xannuunka dhimirka ayaa laga hergaliyay qeyb ka mid ah Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne Axmed Maxamed Shire oo ah Dhakhtarka kaliya ee ilaa hadda ka howlgala xarunta oo la hadlay HOL ayaa sheegay in Drs Faadumo Cali Jimcaale oo ku taqasustay cudurrada ku dhaca dhimirka aheyd maskaxdii ka danbeysay in la helo xarun u gaara dadkan oo intooda badan aan helin daweyntii iyo xannaanadii ay u baahnaayeen.

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail


 

''Markii ugu horeysay Drs Faadumo Cali Jimcaale waxaa ay socdaalkeedii ugu horeeyay ku timid magaalada Beledweyne bishii January 2018, laakiin waxaa ay soo laabatay isla sanadkaas November 2018 oo ay la kulantay qaar ka mid ah dadka qaba xannuunka dhimirka, xiligaa wixii ka danbeeyay waxaa soo baxday baahida loo qabo in la helo xarun lagu xanaaneeyo bukaannadan '' ayuu yiri Dakhtar Shire.

Wuxuu sheegay in xaruntan markii ugu horeysay si rasmi ah loo furay horaantii bishan Maarso ee sanadkan 2019ka, waxaana ilaa iyo hadda ka howlgala oo la marka laga soo tago Dhakhtarka Labo ruux oo Kakaaliyayaal caafimaad ah kuwaa oo shaqeeya toddobaadka oo idil.

''Waxaa jooga oo ila shaqeeyan Labo Kalkaaliyayaal caafimaad ah, kuwaa oo kala ah Bashiir Maxamed Xeyle iyo Xamdi Xassan Xuuriye, toddobaadka oo idil waa la shaqeeyaa, hadda wax dawo ah ma laha xarunta, laakiin dadka noo yimaada waan wareysanaa kaddibna waxaan u qornaa dawada ku haboon, iyaga ayaa dibadda ka iibsada'' ayuu yiri Axmed Shire.

Mar HOL ay weydiisay adeegyada kale oo ay bixiso xarunta ayuu sheegay in ay u booqdaan dadka xannuunkan qaba guryaha lagu hayo iyo xarumaha Qur'aan saarka oo intooda badan la geeyo kuwaa oo aan siinyo ayuu yiri la talin dhinaca caafimaadka.

''Hadda baahida ugu weyn ee xarunta ka jirta ayaa ah maadaama ay cusub tahay in aysan la heyn wax dawo ah si loola tacaalo caafimaadka dadka xarunta la keeno ayuu yiri u sheegay HOL.

Waa xaruntii ugu horeysay oo nooceeda ah ee laga hergaliyo magaalada Beledweyne gaar ahaan Isbitaalka guud ee gobolka, iyadoo ay jiraan dad badan oo la nool cudurka dhimirka kuwaa oo qaarkood heysan daryeelkii ay u baahnaayeen.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip