Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkani ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen lixkale.

Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Cismaan Xasan Cawke oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku baxeen xiisadaasi, haatana xaaladu ay dagan tahay.

Inta badan waxaa Gaalkacyo ka dhaca iska hor imaadyo u dhexeeya maleeshiyaad hubeyan oo ku wada sugan gudaha magaaladaasi.