Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur'aanka fiiri=Q-13 aad=

0
Wednesday March 13, 2019 - 00:24:50 in Wararka by
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur'aanka fiiri=Q-13 aad=

    Hordhac: Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la'aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la'aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee Xaqiiqda.



(Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri):

Q-13aad: Badaha aan Biyahoodu isku darmin.

Markii Aduunyada isku socodka Dadku batay, waxa la ogaaday in ey jiraan Baddo ( Baxri) Biyahoodu ey isku imaanayaan, iskuna Milmayaan, iyo Baddo iyo wabiyaal ey isku Milmayaan. Laakin waxaa la yaab noqday Baddo Biyahoodu ey isku imaanayaan laakin eyna isku milmeeyn.

Baxreynkaa aan isku milmeyn oo Meela Dunida ka mid ah lagu arkay waxaa ka mid ah Koofur Afrika, oo Dad badani ey Dalxiis u tagaan Sannad waliba. Gacantaada Midig ayaa Mid galinee ,Gacantaada Bidixna Badda kale, waa kala Medeb iyo kala Dhadhan biyo ah oo isku meel ku jiro oo aan isku milmeeyn, Mucjiso.

Jiritaankooda Horaa Qur’aanku noogu sheegay Fiiri: Suuratu Al-Rahmaan, Aayadda 19-20aad. Oo leh: waxaa la soo daayay Laba Badood oo kulmaya, Dhaxdoodana waxaa ah Barzakh, mana isku milmayaan.

Sidee Rasuulkeena NNKH oo aan wax Qorin waxna Aqrin uu 1400 Sanno ka hor uu ku ogaaday Jiritaanka Badahaa, weligii ma tagin Deegaanka ey ku yaaliin.

Allaah iyo Rasuulka CSW ayaa nooga cilmi leh.

La soco Qeybta 14aad

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip