Maxaa kasoo kordhay xaalada kooxda Real Madrid macalin Solari iyo kabtan Ramos
Kooxda Real Madrid xaalad wanaagsan kuma jirto gudaha garoonka madaama hal todobaad gudaheeda sedex guuldaro xariir ah ku dhacday oo dhaxal siisay Champion-ka, Copa del Rey iyo La Liga ka quustaan.
Haddaba shalay oo Jimco ahayd warbaahinta Spain waxay sheegtay in tababare Santiago Solari kooxda Real Madrid laga racadeenayo sidoo kalena si la yaab leh Jose Mourinho dib ugu soo laabanayo garoonka Bernabue.
Balse haatan waxaa la ogaaday in tababare Solari uu kooxda Real Madrid leylin doono kulanka habeen dambe wajahayaan Real Valladolid waxaana go’aan laga gaari doonaa Isniinta oo ay maalin shaqo u tahay Real Madrid waa xiliga uu madaxweyne Florentino Perez soo xaadiri doono xafiiskiisa.
Dhinaca kale kabtan Sergio Ramos oo la murmay madaxweyne Perez kadib guuldaradii Ajax ayaa isagana xanaaqii uu kulankaas ka qaaday meel iska dhigay wuxuu Jimcadii soo xaadiray tababarka kooxda sidoo kalena cayaartooyda ayuu u jeediyay qudbad qiiro badan.
Ramos sidoo kale safarka Real Madrid naadiga Valladolid ku aadeyso qayb ayuu ka yahay inkastoo cayaaryahankan ganaaxan yahay haddana wuxuu sheegay inuusan caasimada ku hari doonin uu kooxda lasoo safrayo si uu cayaartooyda ugu dhiiri galiyo in Madrid xili cayaareedkan afarta sare La Liga kaga dhameesato si xili cayaareedka dambe koobka horyaalada Yurub kooxdan u cayaarto.
Maxaa kasoo kordhay xaalada kooxda Real Madrid macalin Solari iyo kabtan Ramos
Kooxda Real Madrid xaalad wanaagsan kuma jirto gudaha garoonka madaama hal todobaad gudaheeda sedex guuldaro xariir ah ku dhacday oo dhaxal siisay Champion-ka, Copa del Rey iyo La Liga ka quustaan. Haddaba shalay oo Jimco ahayd warbaahinta Spain w