Macalin Carlo Ancelotti oo sheegay in hadii ay qabsan lahaayeen waxa PSG qabsaday uu buundada ugu horeyso iska tuuri lahaa

0
Friday March 08, 2019 - 23:46:15 in Wararka by
  • Visits: 711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalin Carlo Ancelotti oo sheegay in hadii ay qabsan lahaayeen waxa PSG qabsaday uu buundada ugu horeyso iska tuuri lahaa

    Macalinkii hore ee kooxaha Ac Milan, PSG, Real Madrid, Chelsea haatana leyliya kooxda Napoli ayaa ka dhawaajiyay hadal layaab noqday kadib markii uu sheegay inuu buurta ugu horeyso ee uu arko iska tuuri lahaa hadii ay qabsan laheyd wixii qabsaday koo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinkii hore ee kooxaha Ac Milan, PSG, Real Madrid, Chelsea haatana leyliya kooxda Napoli ayaa ka dhawaajiyay hadal layaab noqday kadib markii uu sheegay inuu buurta ugu horeyso ee uu arko iska tuuri lahaa hadii ay qabsan laheyd wixii qabsaday kooxda PSG. Ancelotti oo horay macalin ugu soo noqday kooxda PSG isla markaasna dhowr Horyaal kula soo guuleystay ayaa yiri; "hadii aan ahaan lahaa tababarah PSG, waxaan ka boodi lahaa buundada ugu horeyso ee iigu dhow".

Balse xaqiiqda ayaa waxay tahay in Macalin Ancelotti uu horay ula soo kulmay dhacdada PSG qabsatay mid kadaran.

Sanad ciyaareedkii 2003-2004tii Anceloti oo AC Milan hogaaminaya ayaa kooxda Deportivo la Coruna kaga badiyay 4-1 asigoo joogo garoonka San Siro hase yeeshee markii la tagay garoonka Deportuvo Milan ayaa looga badiyay 4-0 taasoo noqotay natiijo lama filaan ah markii la fiiriyo xijmiga labada koox iyo natiijada ay Milan gacanta ku heysatay.

Kadar oo dibil dhal isla sanadkii ku xigay Anceloti oo markale hogaaminayo kooxda AC Milan ayaa Finalka koobkaas qeybtii hore 3-0 ku marsiiyay kooxda Liverpool hase yeeshee qeybtii labaad waliba 9 daqiiqo gudahooda ayay Liverpool ku sameysay mid kamid ah soo laabashooyinkii ugu weynaa abid kubadda cagta ka dhacay ayagoo dhamaadkii cayaartana rigoore koobka ku qaaday.

Hadaba marba hadii uu macalin Carlo Anceloti lasoo kulmay natiijada PSG la kulantay mid ka xanuun badan maxaa hadalkiisa loo qaadan karaa?

Soo ma aheen in markii hore uu asiga sidaas sameeyo maadaama natiijada PSG mid ka daran lasoo kulmay?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip