Mucaaradku hadduu wadani yahay Dowlad is hilmaantay ayuu Khaladkeeda xasuusiyaa=Nasashada Jimcaha.Q – 138aad=.

0
Friday March 08, 2019 - 23:41:17 in Wararka by
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradku hadduu wadani yahay Dowlad is hilmaantay ayuu Khaladkeeda xasuusiyaa=Nasashada Jimcaha.Q – 138aad=.

    1- Wiil Qorax Joog ah ayaa waxa uu arkay Saaxiibkii oo Qurbaha ka yimid, Gabdhihii xaafadda oo dhamina daba ordayaan. Waxa uu ku yiri: Saaxiiboow, Aniga hal Gabar ima daba socoto ee maxaan sameeyaa? Waxa uu ku yiri: War Istiilaha bedel oo Qof Casriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Wiil Qorax Joog ah ayaa waxa uu arkay Saaxiibkii oo Qurbaha ka yimid, Gabdhihii xaafadda oo dhamina daba ordayaan. Waxa uu ku yiri: Saaxiiboow, Aniga hal Gabar ima daba socoto ee maxaan sameeyaa? Waxa uu ku yiri: War Istiilaha bedel oo Qof Casriya iska dhig, Boorsa yar oo loo maleeynayo in Laptop ku jiro garabka suro.

Qorax joogii, Gabdhihii Xaafadda ayuu hoos ula heshiiyay, Boorsadii walaashii ayuu garabka soo surtay, Gabdhihii ayaa ka soo tagay Kii Qurbaha una soo wareegay kii kale. Qurba joogii ayaa yiri: Saaxiiboow maxaad sameysay?. Qorax Joogii ayaa ku yiri: Istiilahan cusub ee Boorsada walaashaa iyo macawis Qaado. Sidii ayuu yeelay. Ciyaalkii oo ku qeylinayo Laga roone, laga roone , ayaa Qurba joogii dhagax Xaafadda uga saaray. ( F.S: 1aad)

(Ar Boorso Bilic ma keento, Bidaarna Reer beled laguma noqdo, Biyo Bacbacle ku jirana Baahi loogama baxo, passporna Billioneer kama dhigo, Af Ingriis burbursana Reer Britain laguma noqdo, ee Bilcaamaha Beenta ka dhaafa ayuu yiri: Qorax joogii)

2- Gabar Reer Marko ah aya lagu yiri: Hal Maahmaahyo noo sheeg?. Waxa ey tiri: Reer Marko – Reer Xaafatu Ruush, waxa ey ku maahmaahaan "Min yaro, Min weyn is hilmaantay ey Miirka u soo Celisaa”.

(Mucaaradku hadduu wadani yahay Dowlad is hilmaantay ayuu Khaladkeeda xasuusiyaa).

3- Gabar aad u fool xumeed ayaa dadkii xaafadda ku tiri: Qofkii iga Farxiyo oo igu yiraa aad ayaad u Qurux badan tahay, waxaan siinayaa $ 100. Mid xaafadda ku cusbaa ayaa maqlay arrinkii, damacna ka galay Lacagtii. Subaxdii dambe ayuu Iridda ku soo garaacay, kadibna Gabadhii ayaa Albaabkii ka furtay. Markii uu Arkay ayuu inta yaabay ku yiri: Abaay, Albaabka iska soo xiro Allaah ayaa Irsaaqadda bixiyee, been intaa la ey ma sheegi karee. ( F.S: 2aad)

( Nin wasiir ah ayaa kula heshiiyay, Nin Wariye ahaa, in maalin kasta uu qoro in wasaaradiisa uuna Musuqmaasuq ka jirin, uuna yahay nin daacad ah si eyna Dowladu xilka uga qaadin, Dadkuna u aminaan. Wariyahana Sharuurkiisa Maalin kasta la siiyo, Muddo markii qoraalo loo soo diray uu qorayay, ayuu maalintii dambe wasaaradii tegay oo shaqaalihii uu la sheekeystay, kadib la ogaa wixii uu qoray, Alaa irsaaqada bixiyee Dowlada iyo Dadka been intaa ka badan uma sheegi karo, Qaaqlanimadu waa ceeb, website –keygana Summcadda kama dili karo, sharuur shareedkaaga iska heyso Xoolo ma ihi ee dad ayaan ahay " F.S: 3aad”)

4- Gudoomiye 75 Sanno jir ahaa ayaa Safar Dibadda ah waxaa u raacday Gabadhii Xogheynta u aheyd oo aad u Qurxaneyd. Markii ey tageen Reception-kii Hotelka ayuu ku yiri: Ma waxaan kugu Qoraa in aad Xaaskeeygii tahay, Mise Xogheynteydii? Waxa ey ku tiri: Maxey ku kala duwan yihiin? Waxa uu ku yiri: Qolka Xaaskeeygu waa mid weyn oo Qurux badan, kan Xogheyntuna waa mid yar oo caadi ah. Waxa ey ku tiri: Xaaskaaga igu Qor.

Markii ey tageen Resturanantigii Hotelka ayuu ku yiri: Sida Xaaskeyga miyaad u cunteeynee mise sidii Xogheynteyda? Waxa ey ku tiri: Maxey ku kala duwan yihiin? Waxa uu ku yiri: Haddii aan iraahdu waa Xaaskeygii waxaa laguu keenayaa Cunto heer sare ah, haddiise aan iraa waa Xogheynteydii waxaa laguu keenayaa Cunto caadi ah. Waxa ey ku tiri: Cuntada Xaaskaaga ii dalab.

Habeenkii markii Sariirta la isagu tagay ayuu ku yiri: Ma sidii Xaaskeyga oo kale ayaan kuula seexdaa mise sidii Xogheyn iyo Gudoomiyaheeda? waxa ey ku tiri: Sideenii Hore Xaaska un ku sii wad.

Odaygii 75 jirka ahaa, dhinaca kale ayuu u sii jeestay, waxa uuna ku yiri: Habeen wanaagsan iyo Hurdo Caafimaad, horena waa ka khuuriyay. ( F.S: 4aad)

(Badanaa, Gudoomiye waajibkiisa ka hurdi jiray markuu Xaaskiisa la joogo, waqtiga kalena, Munkarkana si fiican u fulin jiray)

5-Hooyo ayaa Gabadheeda ku tiri: Xageed ka soo heshay 5 taan Dollar . Gabadhii ayaa ku tiri: Hooyo, Wiilal aan isku Xaafad nahay ayaan sharad kula dhigtay in aan Darbiga Fuuli karo.

Hooyadii oo Xanaaqsan ayaa ku tiri: Doqon ayaad tahay, waxa ey rabeen in ey arkaan Nigis/ kastuumada qurxan ee aan kuu soo gaday, soow kuma dhihin yaan kastuumadaada Qofu kaa arkin.

Gabdhii ayaa ku tiri: Hooyo Macaan, Aniga miyaa Donon ah, Kastumadeyda Qofna igama arag, Boorsada ayaan ku ritay, kadib ayaan geedka Fuulay. ( F.S: 5aad)

( Mas’uuliyiinta markii lala balamayay sow lama dhihin, sirta Qaranka ayaan Cadawgu arkin, Doqon maba ahane, Xagey ku Qariyeen sirtii Qaranka )

6- Gabar guurka aad uga daahday ayaa loo sheegay in uu Nin so doontay balse uu hal Ceeb leeyahay. Waxa ey tiri: Ceebta hala ii sheego?. Waxa lagu yiri: TUUR ayuu leeyahay. Waxa ey tiri: oo ma anigaa Mastarad ( Ruler) ka dhigan lahaa!! Oo wax la toosinayo ku cabiran lahaa!!. Kaasi igu filanee ii keena. ( F.S: 6 & 7aad)

( Nin Xil loo dhaariyay ayaa kaaliyihiisii ku yiri: war maanta Laaluush badan ayaan kuu hayaa oo 100.000 Dollar ah. Waxa uu ku yiri: War soo qabo ma anigaa Xaj ku aadi lahaa, Ilmo ayaan ku biilan lahaaye)

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip