Macluumaad kooban oo ku saabsan kulamada wareega 16-aad Europa League caawo la cayaarayo
Frankfurt v Internazionale
Rennes v Arsenal
Sevilla v Slavia Praha
Zenit v Villarreal
Kulamada Caawo 11: pmXiliga Geeska Afrika Soo Galayaan:
Chelsea v Dynamo Kyiv
Napoli v Salzburg
Valencia v Krasnodar
Macluumaad Ku Saabsan Wareega 16-aad Lugta Kowaad Oo Xiiso Badan:
Qodobka 1-aad:7-naadi oo ka mid ah 16-ka koox isku soo hareen tartankan horey ayay ugu guuleesteen asigoo wato magacaUEFA Cup ama UEFA Europa League waxayna kala yihiin:
Chelsea (2013), Frankfurt (1980), Internazionale (1991, 1994, 1998), Napoli (1989), Sevilla (2006, 2007, 2014, 2015, 2016), Valencia (2004) iyo Zenit (2008).
Balse Frankfurt iyo Inter oo la isku aadiyay waxay ka dhigan tahay in hal naadi oo koobkan horey ugu guuleestay inuu wareega 8-aad u gudbi doono.
Qodobka 2-aad:Frankfurt 5-sano kadib ayay Yurub kusoo laabteen waana kooxda goolasha ugu badan Europa League xili cayaareedkan ka dhalisay waxayna dhaliyeen 23-gool weliba Luka Jovic wuxuu dhaliyay 6-gool.
Qodobka 3-aad:Labo koox oo horyaalka dalalkooda laga cayaaro ku guuleesteen ayaa wareega 16-aad joogaan waanaDinamo Zagreb (Croatia) iyo Salzburg (Austria). Kooxdii ugu dambeesay Europa League iyo horyaalka dalkeeda isku qaaday waa FC Porto xili cayaareedkii 2010/11.
Qodobka 4-aad:Weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud waa mid indhaha lagu haayo asigoo haatan 5-kulan Europa League goolal dhalinaayo wuxuuna rabaa in kulankiisa 6-aad xariir ah Dynamo Kiev gool ka dhaliyo weliba naadiga reer Ukraine markii ugu dambeesay ay Stamford Bridge soo booqdeen 2-1 ayaa looga badiyay Champions League xili cayaareedkii 2010/11.
Qodobka 5-aad:Afar naadi oo marxaladan soo gaareen xili cayaareedkii hore tartankan ayaa haddana kasoo muuqanayaan waanaArsenal, Dynamo Kyiv, Salzburg iyo Zenit. Weliba Arsenal iyo Salzburg waxay gaareen Semi Final.
Qodobka 6-aad:Munas Dabbur oo ka tirsan naadiga Salzburg ayaa ah cayaaryahanka ugu goolasha badan tartankan xili cayaareedkan wuxuuna dhaliyay 7-gool.
Qodobka 7-aad:Goolhaye Petr Cech oo Arsenal ka tirsan wuxuu caawo wajahayaa kooxdiisii hore Rennes asigoo u cayaaray intii u dhaxeesay 2002 ilaa 2004
Macluumaad kooban oo ku saabsan kulamada wareega 16-aad Europa League caawo la cayaarayo
Waxaa caawo si rasmi ah loo cayaari doonaa kulamada wareega 16-aad lugta kowaad tartanka UEFA Europa League oo ay ka qayb qaadanayaan qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu awooda badan.