Daawo: Goolkii Quruxda Badnaa Ee Rooney Ee Kulankii Xalay, Blind Iyo Mata-na Waa Ku Jiraan.
Manchester United ayaa iska xaadirisay wareegga 16ka kooxood ee FA Cupka dib markii ay 3-1 uga takhaluseen kooxda heerka hoose ee Derby County waxaana ay goolasha uga mahadcelinayaan kabtankooda Wayne Rooney, Daley Blind iyo Juan Mata.
Qaab ciyaareed aad u sareeya ayay soo bandhigeen ciyaartoyda kooxda Manchester United ee Louis van Gaal, kuwaasoo si wacan jaanta iskula helay kulankii xalayto.
Kulankaas ayaa waxaa daawanayay madaxda kooxda Manchester United iyo macalinkii hore kooxdaas ee Sir Alex Ferguson iyadoo beryihii u danbeyay shaki la gelinayay mustaqbalka tababare Louis van Gaal ka dib guuldaradii isbuucii hore ka soo gaartay kooxda Southampton kulankii Premier League ee ka dhacay Old Trafford.
Waxayna Red Devils tikidhka u goosatay wareega 5aadee FA Cup. Man United ayaa kulankan qaab ciyaareed fiican soo badhigtay taas oo ugu yaraan waqti culayska ka yarayn doonta Louis Van Gaal.