Hordhac: Aston Villa v Man City – Sky Blues Oo Ku Talo Jirta Inay Sii Nooleyso Rajadeeda Afarta Koob Ee Xilli Ciyaareedkan.

0
Saturday January 30, 2016 - 14:05:00 in Sports News by
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Aston Villa v Man City – Sky Blues Oo Ku Talo Jirta Inay Sii Nooleyso Rajadeeda Afarta Koob Ee Xilli Ciyaareedkan.

    Kulanka: Aston Villa v Man City Garoonka: Villa Park Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Aston Villa v Man City Garoonka: Villa Park Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Ka dib markii ay buukinteen booskooda finalka Capital One Cup, Manchester City ayaa dareenkeeda u weecineysa koobka FA Cup iyagoo u safraya caawa kooxda dhibtooneysa ee horyaalka Premier League ee Aston Villa, kulan ka mid ah wareega afaraad ee koobka FA Cup.

Inkastoo xilli ciyaareedkan uusan u aheyn midkoodii ugu fiicnaa, hadana koxoda Manuel Pellegrini ayaa weli ku jirta tartanka afar koob oo macquul ay u tahay inay ku guuleystaan xilli ciyaareedkan.

aston-villa-vs-man-city

MAXAA KA CUSUB?

Weeraryahanka uu dhaawaca hareeyay ee Gabriel Agbonlahor ayaa laga yaabaa inuu ka horyimaado Manchester City inkastoo uu kaliya ciyaaray hal daqiiqo oo kubad ah tan iyo markii uu Remi Garde tababare ka noqday Aston Villa.

Si kastaba tababaraha reer Faransa ayaa waxaa weli ka maqan daafaca Alan Hutton iyo xiddiga khadka dhexe Carlos Sanchez.

Manchester City ayaa waxaa ka maqnaanaya xiddiga kubadsameeyaha khadka dhexe Kevin de Bruyne kaasoo dhaawac halis ah uu soo gaaray kulankii Everton ee Capital One Cup, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo 10 isbuuc ah.

Daafacyada Vincent Kompany, Aleksandar Kolarov iyo Eliaquim Mangala ayaa iyagana ku dhow inay tababarka kooxda ku soo laabtaan isbuuca danbe.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Aston Villa:Guzan; Richards, Okore, Clark, Richardson; Bacuna, Veretout, Westwood, Grealish; Sinclair, Kozak.

Man City:Caballero; Zabaleta, Otamendi, Demichelis, Clichy; Fernando, Delph; Navas, Iheanacho, Sterling; Bony.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip