HORDHAC : Real Madrid VS Ajax ? Ajax oo is hor taag ku sameen karta riyada Madriid ee ah in markoodii 9-aad oo xiriir ah ay gaaraan wareega sideed dhamaadka.

0
Tuesday March 05, 2019 - 10:13:15 in Wararka by
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORDHAC : Real Madrid VS Ajax ? Ajax oo is hor taag ku sameen karta riyada Madriid ee ah in markoodii 9-aad oo xiriir ah ay gaaraan wareega sideed dhamaadka.

    ( Yurub ) 5 March 2019kooxda Real madid oo guul daro dhabra ku wadata ayaa markan garoonkeeda ku soo dhaween doonta kooxda Ajax kulan katirsan wareega 16-ka lugtiisa labaad . Kooxda Real Madrid ayaa mashaqo badan ka heysata kulamda ay ku ciyaareyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

( Yurub ) 5 March 2019kooxda Real madid oo guul daro dhabra ku wadata ayaa markan garoonkeeda ku soo dhaween doonta kooxda Ajax kulan katirsan wareega 16-ka lugtiisa labaad . Kooxda Real Madrid ayaa mashaqo badan ka heysata kulamda ay ku ciyaareyso garoonkeeda xili ciyaareedkan waxa ayna kula kulantay guul darooyin badan walow ay Ajax ka soo adkaadeen kulan ciyaareedkii lugtii hore. Maxaa ka cusub labada koox ka hor kulanka :


Real Madrid ayaa ah la’aant kabtankeeda Sergio Ramos, kaas oo ka gnaaxan kooxdiisa waxa uuna seegayaa kulanka caawa oo ay la qadanayaa kooxda reer Holand ee Ajax .

Nacho ayaa badali doona booska uu ka maqanyahay kabtanka, nafsad ahaantiisa xitaa waxa uu ganaax ku seegay kulan ciyaareedkii Clasico , halka Marcos Llorente uu wali dhaawacanyahay.

Toni Kroos oo waqti dambe badal lagu saaray kulankii Barcelona ayaa qeyb ka ahaan doona kulanka halka Gareth Bale oo wax saameen ah aan ku yeelan kulankii Calasico uu ka wal wal qabo booskiisa .

Ajax oo nasiino wanaagsan heshay ayaa u soo safartay Madrid madaama wax kulan ah aysan ciyaarin todobaadkan waxaana ugu dambeysay kulan ciyaareedkii ay guusha ka gaareen kooxda sida weyn u xifaal tamaan ee Feyenoord asbuucii hore.

Kooxda martida ah waxaa safkooda ka maqnana kara lix xidig hadii ay qaataan jaalo kulanka koowaad ee wareega sided dhamaadka hadii ay ugudbaan waxaana qeyb ka ah xidigahaas Matthijs de Ligt iyo Hakim Ziyech oo kamida furyaasha kooxda .

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka :Real Madrid VS Ajax ( Champions League )

Goobta :Estadio Santiago Bernabeu

Goorta :11:00 oo habeenimo

Garsoorka :Felix Brych (Germany)

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

Madrid ayaa ilaa iyo hada guul dareesatay lix kukan oo kaliya 40-kii kulan ee la soo dhaafay tartamada yurub oo ay ku ciyaarto garoonkeeda iyo meel kabaxsanba garoonkeeda , 27-kamida guul ayey gaareen .

Labada koox ayaa horey uwada kulmay 13 -jeer oo tartamada UEFA ah – Real Madrid ayaa guuleysatay 8-jeer halka kooxda Ajax aya badiyeen afar kulan , kulana bareejo ayey galeen.

% Boqolkiiba boqol kooxaha ku soo badaiya 2-1 kulama banaanka ah inta aan la imaan garoonkooda lugta hore ee tartanka Champions League wareegiisa bug buxa ayaa u gudbayey wareega xiga ee tartanka sideedii sano ee la soo dhaafay .

Madrid ayaa badineysay shantii kulan ee ugu dambeyey oo ay garoonkeeda ku soo dhaweyso kooxaha ka socda Holand tan iyo guul daradii 1995 oo ay kala kulantay kooxda Ajax; the Merengues’ ayaa ka heysta rikoor ah 10-guul 1-bareejo iyo labo qasaaro marka ay garoonkooda ku wajahayaan kooxo ka socda Holand.

Madrid ayaa eeganeysa in ay gaarto wareega sideed dhamaadka markoodii 9-aad oo xiriir ah , wareegan 16-ka ayey ka heysataan 9-guul iyo 6-qasaaro , waxa ay wareegan ku harayeen lix sano oo xiriir ah waana intii u dhexeysay 2005 iyo 2010 wixii markaa ka dambeeyey sideed sano oo xiriir ah ayaa wareega sideed dhamaadka ugudbayeen.

Eeg safafka macquulka ah ka hor kulanka :

GOOLFM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip