Casemiro oo qiray in Real Madrid ay ku jirto xaalad adag

0
Tuesday March 05, 2019 - 09:35:54 in Wararka by
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Casemiro oo qiray in Real Madrid ay ku jirto xaalad adag

    (Real Madrid) 5 March 2019.Xidiga khadka dhexe kooxda Real Madrid ee reer Brazil Casemiro ayaa wareysi uu la yeeshay shabakada "sportive" wuxuu kaga hadlay dhowr arimood ee quseeya xaalada Los Blancos. Hadalka Casemiro ayaa wuxuu imaanay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Real Madrid) 5 March 2019.Xidiga khadka dhexe kooxda Real Madrid ee reer Brazil Casemiro ayaa wareysi uu la yeeshay shabakada "sportive" wuxuu kaga hadlay dhowr arimood ee quseeya xaalada Los Blancos. Hadalka Casemiro ayaa wuxuu imaanayaa kahor kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan kooxda Ajax lugta labaad wareega 16-ka tartanka Champions League.

Hadaba laacibka reer Brazil oo ka hadlayay xaalada adag ay haatan ku jirto kooxda Real Madrid ayaa wuxuu yiri:

"Waxaan dareemayaa sida ay muhim ugu tahay ciyaartoyda oo dhan, waan ognahay inaan mararka qaar badino, mararka qaarna aan guuldareysano, mar walba waxaan u shaqeynaa si aan u guuleysano”.

"Waa wax iska caadi ah in kooxdu ay la kulanto wakhtiyo yar ee aad u adag, laakiin waxa ugu muhiimsan waa waxa soo socda, waxaan la ciyaareynaa kooxo aad u adag”.

"Waxaa diirada saareynaa sida aan ugu guuleysan lahayn dhamaan tartamada, balse waxaan ka war qabnaa inay tahay wax aad u adag”.

Casemiro ayaa mar wax laga weydiiyay rajada ay ka qabi karaan in markii 4-aad ay ku guuleystaan Champions League ayaa wuxuu yiri:

"Waa inaan noqonaa kuwo dagan, isla markaana aan ka shaqeynaa sida aan ugu guuleysan lahayn, markii aan ku guuleysanay Champions League markii labaad ee xiriir ah, qof walba wuxuu naga codsaday inaan ku guuleysano markii saddexaad, waana sameenay, waxaan dooneynaa deganaan si aan diirada u saarno kulanba kulanka xiga”.

XIGASHO:-GoolFM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip