Hordhac: Arsenal v Burnley – Gunners Oo Wadada U Saaran Hanashada Koobka FA Cup Markii Seddexaad Oo Isku Xigta.

0
Saturday January 30, 2016 - 14:03:39 in Sports News by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Arsenal v Burnley – Gunners Oo Wadada U Saaran Hanashada Koobka FA Cup Markii Seddexaad Oo Isku Xigta.

    Kulanka:Arsenal v Burnley Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka:Arsenal v Burnley Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Dadaalka ay Arsenal ugu jirto inay markii seddexaad oo isku xigta hanato koobka FA Cup ayaa weli socota iyadoo caawa martigelinaya kooxda heerka labaad ee Burnely kulan ka tirsan wareega afaraad ee FA Cup oo ka dhici doona Emirates Stadium.

Ma jirto koox hanatay koobka ugu da’da weyn kubada cagta seddex sanno oo isku xigta tan iyo 1880meeyadii, laakiin Gunners ayaa kalsooni ku qabi karta inay ku dhawaato rikoorkaas marka kooxda kaalinta seddexaad ee Premier League ay wajahdo kooxda kaalinta seddexaad ee heerka labaad.

burnley-arsenal-preview-4x3113-2391703_478x359

MAXAA KA CUSUB?

Tomas Rosicky ayaa u ciyaari kara Arsenal markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan, iyadoo Francis Coquelin uu isna soo laaban karo ka dib dhaawac uu la maqnaa tan iyo bishii November.

Danny Welbeck oo dhaawac jilibka ah la maqnaa 10kii bilood ee ugu danbeysay, waxaana uu ku dhow yahay inuu ku soo laabto kooxda koowaad.

Goolhayihii xulka qaranka Paul Robinson ayaa lagu soo darayaa kooxda Burnley ka dib markii uu uu heshiis waqti gaaban ugu biiray kooxda.

Xiddiga khadka dhexe Dean Marney ayaa shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa, laakiin tababare Sean Dyche ayaa soo xulan kara koox aan ka bedelneyn kooxdiisii ugu danbeysay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal:Ospina; Bellerin, Gabriel, Koscielny, Gibbs; Elneny, Chambers; Oxlade-Chamberlain, Sanchez, Campbell; Walcott.

Burnley: Heaton; Lowton, Keane, Mee, Ward; Boyd, Jones, Barton, Arfield; Vokes, Gray.

MA OGTAHAY?

  • Arsenal ayaa badisay shantii kulan ee ugu danbeysay ee FA Cup ee ay ka horyimaadeen Burnley iyagoo dhaliyay 16 gool, waxaana laga dhaliyay kaliya hal kulan. Goolkaas ee ay dhalisay Burnley waxa ay dhalisay guuldaradoodii ugu cusleyd ee FA Cup tan iyo 1896dii, iyadoo Arsenal 7-1 kaga badisay Burnley sannadii 1937.
  • Kooxda Gunners ayaa kaliya laga badiyay hal kulan oo ka mid ah 40 kulan oo FA Cup ah oo ay la ciyaareen kooxaha heerka hoose intii uu tababare u ahaa Arsene Wenger.
  • Arsenal ayaa badisay 32 ka mid ah 39 kulan oo FA Cup ah oo ay ku ciyaareen gurigooda.
  • Olivier Giroud ayaa dhaliyay sagaal gool 13kii kulan ee ugu danbeysay ee FA Cup ee uu u ciyaarayay Arsenal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip