Hordhac: Barcelona v Atletico Madrid – Kooxdii Guul Ku Gaarta Maanta Camp Nou Oo Keli Ku Noqon Doonta Hogaanka Horyaalka La Liga.

0
Saturday January 30, 2016 - 13:59:46 in Sports News by
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Barcelona v Atletico Madrid – Kooxdii Guul Ku Gaarta Maanta Camp Nou Oo Keli Ku Noqon Doonta Hogaanka Horyaalka La Liga.

    Kulanka: Barcelona v Atletico Madrid Garoonka: Camp Nou Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Barcelona v Atletico Madrid Garoonka: Camp Nou Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Barcelona ayaa ku dhibco ah kooxda Atletico Madrid oo ay isla hayaan hogaanka La Liga, kooxdii maanta badisa ayaana hogaanka ku hari doona iyadoo kooxda Diego Simeone ay mar kale isku dayayaan inay labada kooxood ee ugu waa weyn Spain ku ciriiriyaan hanashada horyaalka la Liga.

Kooxda Catalans ayaa ka badisay kooxda caasimada Spain ka dhisan shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay isaga horyimaadeen tartamada oo dhan, iyadoo Atletico ay ugu danbeysay guul ay ku gaarto garoonka Camp Nou bishii Febraayo 2006.

BarcelonavAtleticoMadrid

MAXAA KA CUSUB?

Jordi Alba iyo Arda Turan oo seegay kulankii Copa del Rey ee bartamihii isbuuca ayaa ku soo laabtay kooxda waxaana ay taam u yihiin kulanka culus ee maanta ay la leeyihiin kooxda Atletico Madrid, Neymar oo isna shaki uu ku jiray taam ahaanshihiisa ayaa ka soo kabsaday jug ka soo gaartay cagta kulankii Bilbao waxaana uu ciyaari doonaa kulanka galabta.

Xilli ciyaareed qariib ah ayay u aheyd Diego Simeone xilli ciyaareedkan, kooxdiisa ayaana u ciyaartay si aad fician laakiin difaacooda ayaa wada kooxda oo dhan. Marka laga reebo xiddiga fantastiga ah ee Antoine Griezmann, ma jiro ciyaaryahan Atletico ah oo dhaawaci kara weerar ahaa kooxaha ka soo horjeeda.

Jackson Martinez ayaa ku guuldareystay inuu ka soo baxo lacagtii laga soo bixiyay halka saxiixa cusub Luciano Vietto uu yahay xiddiga kaliya ee ku soo dhow Griezman ee afka hore kala ciyaari kara. Fernando Torres oo sidoo kale loo yaqaano ‘Barca dile’ ayaa shaki weyn uu ku jiraa taam ahaanshihiisa isagoo dhaawac qaba.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona (4-3-3):Bravo; Alves, Piqué, Mascherano, Alba; Busquets, Rakitic, Iniesta; Messi, Suárez, Neymar

Atlético Madrid (4-4-2):Oblak; Juanfran, Giménez, Godín, Luís; Ñíguez, Fernández, Gabi, Koke; Vietto, Antonie Griezmann




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip