Jiroos, Butis & Qaliir,Isneelo=U gaar ah Jiilka cusub- Aqoon Guud=.

0
Sunday March 03, 2019 - 00:11:46 in Wararka by
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jiroos, Butis & Qaliir,Isneelo=U gaar ah Jiilka cusub- Aqoon Guud=.

    Quruxda Qofba si ayeey u taqaan,wixii qof la qurxan ayaa Qof kale ayuu la xunyahay. Ha u qaadan in cabirkaagu uu sax yahay. Tusaale: wadanka Iran ina boqordii la dhihi jiray princess: Qajar ayaa noqotay calaamadda Quruxda Dalkeeda sannadkii 1900 waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Quruxda Qofba si ayeey u taqaan,wixii qof la qurxan ayaa Qof kale ayuu la xunyahay. Ha u qaadan in cabirkaagu uu sax yahay. Tusaale: wadanka Iran ina boqordii la dhihi jiray princess: Qajar ayaa noqotay calaamadda Quruxda Dalkeeda sannadkii 1900 waxaana darteed isku dilay 13 Nin markii ey diiday in ey guursato ( F.S: 1aad). Cayilkuna Xumaan ma ahan Bulshooyinka qaar ( F.S: 2 & 3aad)


Dalka Japan Naagta Buurani waa Calaamadda Caqliga & Naxariista. Masaaridii hore waa Calaamadda Murti & guri lagu nagaado. Hindidii Hore waa calaamadda Ixtiraam & Qadarin. Reer Baabil Naagta Buuran Qofkii guursanayo,10kii Kiilo oo culeeyskeeda ahba waxa uu bixinayaa Waqiyad Dahab ah.

 

Nageria Naagta qurxan waxaa loo yaqaan Naagta Naasa dhaadheer haddii uu Jilibkeeda gaarayo ama ey Cunuga ximbaarsan tahay ey gadaal ugu tuuri karto waa la jecelyahay waxaana ey aaminsan yihiin in ey tahay calaamadda Nasiibka Bayaxaaw. Carbtu waxa ey jecelyihiin in ey Qaarka dambe u weeyn tahay, wadama kale ayaa aad u neceb haddiiba ey Qaarka dambe u weeyn tahay sida Dalka Shiinaha lamaba guursado.

 

Dalka Mauritania Cayilku waa calaamdda Quruxda & Caafimaadka Gabdha cunto aad u badan ayaa lagu khasbaa, si ey ugu muuqato in ey qooys Hanti leh ka soo jeedo,waxaana la siiya Kaniiniga Appetite –ka.

 

Dadka Kaya nee ku nool Tibeto-Burman & Myanmar Quruxda waxaa lagu qiimeeyaa hadba dhereerka qoorteeda, inta ey yartahay ayaana lagu xiraa qalab dheereynayo Qoorta ( F.S: 4 & 5aad). Astaama kale oo quruxda muujinaya waa laga helaa Africa ( F.S: 6,7,& 8aad) Hadda Naagaha Cayilan ayaa ku soo badanaya Mareykanka iyo Carabta.

Somalidu waxa ey quruxda ka fiiriyaan, Dhererka, Midabka, Dhaxda, ilkaha, Cabaaryaha, Kubka, ( F.S:9-22). laakin intaaba soomalidu iskuma wada raacsana, wadamada qaar ayaaba calaamadaha Somalidu ku amaanto haweenka u yaqaan Fool xumo.

 

Si kastaba Hablaheena Qurux lagu amaan ha noqoto Butis ama Qaliir.

 

FG: Waa Macluumaad Guud oo aan iska wadaageeyno, si aan wax uga ogaano, ummadaha kale sideey u qiimeeyaan Haweenka Cayilan. Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

 

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip