Maxaad ka taqaan Jaceeylka Yoo Yoo!!!.

0
Tuesday February 26, 2019 - 23:58:04 in Wararka by
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaan Jaceeylka Yoo Yoo!!!.

    Wiil Ka mid ah, saaxiibadeeyda FB ayaa i weeydiiyay, su'aal qalafsan? Yaxya weligaa wax ma jeclaatay? Waxaan Ku iri: Haa, Diinteeyda, Dalkeeyga, Dadkeeyga iyo……. Waxa uu yiri: taa ma ahan, Tan laba qof oo Kala jinsi ah? Waxaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil Ka mid ah, saaxiibadeeyda FB ayaa i weeydiiyay, su'aal qalafsan? Yaxya weligaa wax ma jeclaatay? Waxaan Ku iri: Haa, Diinteeyda, Dalkeeyga, Dadkeeyga iyo……. Waxa uu yiri: taa ma ahan, Tan laba qof oo Kala jinsi ah? Waxaan iri: Haa, Abootadeey, Habar yar, Hooyo, walaasheey…….

Waxa uu yiri: Taa Maya. Qof kale oo Haween ah. Waxaan iri: Haa, waa Ku fahmay, ma Anigaa dhagax ah maxaan wax u jeclaan waayay!!.

Waxa uu yiri: Jaceylku muxuu u baahan yahay jaceeylku?

Waxaan Ku iri: Run & Daacadnimo, Jaceeylkaaga Qalbiga Ku qunfulo, ( F.S:1aad). Kadibna xanaaneey ( F.S:2aad). Xaalada Dunidu waa is bedbedeshaa, haddii uu kaa wasakhoobo ha tuurin ,dib u nadiifi ( F.S: 3aad). Hadduu Ka dilaaco Tolo , marna haka quusan( F.S: 4aad).Laakin mid Ogoow, Jaceelkaagu yuuna maskaxdaada Hogaamin ee maskaxdu jaceeylka ha hogaamiso.

Waxaa uu igu yiri: Adeer Jaceeylka wax kama taqaanid, intaad Jaceel Dayac tiri laheyd, mid cusub ayaa la raadsadaa.. Sharciga Ciyaalka xaafada ee yoo yooga ayaa sidaa qabo.

Waxaan Ku iri: Jaceeylku sida qeybaha kale ee nolosha ayuu waaya aragnimo u baahan yahay, ee odayaasha Ka faa’iideeyso. Wuxuu yiri: kani ma ahan mid waaya aragnimo u baahan.

Kadibna waxa uu ii Soo qoray duco ah "Adeer Dhooraa tahay”.

Anna waxaan u qoray, Aamiin.

U Kala gar qaada, Ciyaalka xaafadda iyo odayaashii hore.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip