Falanqeynta Kulanka Xiisaha leh ee Man Utd vs Liverpool

0
Sunday February 24, 2019 - 23:27:17 in Wararka by
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha leh ee Man Utd vs Liverpool

    Labada kooxood ee xafiiltanka ugu adag uu dhaxmaro taariikhda kubada cagta Ingiriiska ee Man Utd iyo Liverpool ayaa galabta isku arki doona Old Trafford kulan katirsan Premier League. Liverpool ayaa raadineysa inay hogaanka la wareegto, halka Manche

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada kooxood ee xafiiltanka ugu adag uu dhaxmaro taariikhda kubada cagta Ingiriiska ee Man Utd iyo Liverpool ayaa galabta isku arki doona Old Trafford kulan katirsan Premier League. Liverpool ayaa raadineysa inay hogaanka la wareegto, halka Manchester United ay dooneyso inay caqabad ku noqoto fursadaha ay Reds ugu tartameyso inay horyaalka qaado 30 sano kadib.


Xaalada Dhaawacyada
Anthony Martial iyo Jesse Lingard ayaa ku soo laaban doona safka hore sida ay u badan tahay.
Labada ciyaaryahan ayaa la filayay inay maqnaadaan illaa iyo horraanta March kadib dhaawacyo ka soo gaaray kulankii Paris Saint-Germain, lakiin labadoodaba waxaa laga yaabaa inay diyaar u noqdaan kulanka Liverpool.
Liverpool ayaa wali waxaa ka maqan Dejan Lovren, Joe Gomez iyo Alex Oxlade-Chamberlain, laakiin Virgil van Dijk ayaa soo laabanaya ka dib markii uu ganaax ku maqnaa kulankii Champions League ee Bayern Munich.
 
Yaa Guulo Badan Labada koox?
Manchester United ayaa badisay 88 kulan, iyadoo Liverpool ay badisay 76 , waxaana ay barbaro galeen labada koox 65 kale.
 
Ciyaar maskaxeedka labada tababare
Waa mid weyn kulankaan, "ayuu yiri macalinka Jarmalka.” Waxa ay ku jiraan xaalad wanaagsan, jir ahaan way xoogan yihiin, difaac iyo weerar fiican ayay heystaan. Kalsooni buuxa ayay qabaan. Waxaan isku dayi doonaa wax walba si aan natiijo uga helno iyaga” ayuu hadalkiisa ku daray.
"Waxaan la ciyaaray dhowr jeer anigoo ciyaaryahan ah, waxaana ogahay awood ay leeyihiin taageerayaashooda” ayuu yiri tababaraha United.
"Waa shaqadayada inaan diirada saaro natiijada, lakiin waa inaan xakameynaa isku day kasta oo ay sameyaan” ayuu hadalkiisa racaiyay Ole.
Kullankaan ayaa la daawan doonaa galabta 5:05 Pm



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip